QAZA (DAYNIILE.COM)-In ka badan 50 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarro aan kala joogsi lahayn oo Israa’iil ka fulisay guud ahaan marinka Qaza, oo uu ku jiro weerar lagu dilay 11 qof oo qoyska ka tirsan.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa khudbad aan leexleexad lahayn ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo isku dayaya in uu qiil u helo xasuuqa dalkiisa ka socda Gaza isagoo ballan qaaday in uu “dhammayn doono shaqada”.
Duullaanka dhulka ee Israa’iil ee magaalada ugu weyn Qaza ayaa sii socda iyadoo boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah ay ku xayiran yihiin, gaajoodeen, iyo rasaas dhinac walba ah.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 65,549 qof waxana ku dhaawacmay 167,518 tan iyo bishii October 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos duugan yihiin burburka. Wadarta 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weeraradii Oktoobar 7, 2023 waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOUCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
