Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Koonfur-galbeed ee Magaalada Baraawe Nuur Kar-kaar ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Askari katirsan Daraawiishta degmada uu dilay Askari kale oo katirsanaa Militariga Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Baraawe.

Goobjoogayaal ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in labada Askari dilka kahor ay murmeen kadibna uu askariga daraawiishta ah rasaas ku furay askariga kale ee militariga katirsanaa sidaasna uu isla goobta ugu geeriyooday.

Waxaa jirta geerida qof kale oo shacab ah oo ay haleeshay rasaas lagu ceyrsanayay gacan ku dhiiglihii dilka geystay.

Xaaladda Magaalada Baraawe ayaa daggan, mana jirto xiisad dilkaasi ka dhalatay oo ka taagan Baraawe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here