HomeWarkiiWararkii ugu danbeeya Xaalada Gaza oo lagu dilay dad ka badan 50...

Wararkii ugu danbeeya Xaalada Gaza oo lagu dilay dad ka badan 50 ruux

QAZA (DAYNIILE.COM)-Duqeymaha Israa’iil ayaa waxa ay ku dishay in ka badan 50 qof magaalada Gaza ee dagaalku ka socdo iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in milatarigu ay argagax ku hayaan shacabka reer Falastiin ee magaalada Gaza, kuna qasbaya tobanaan kun inay qaxaan.

Wargayska Global Sumud Flotilla ayaa ku waramaya qaraxyo iyo isgaarsiin ay dul heehaabayaan diyaarado aan duuliye lahayn ka dib markii Israa’iil ay ballan qaaday in ay qaadi doonto tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay u joojiso in ay jebiso go’doominta badda ee Gaza.

Tirada dhimashada ayaa kor u kacday duqeymaha hore ee Israel ay ku hayso Falastiiniyiinta iyadoo xasuuqii ugu cuslaa uu ka dhacay magaalada Gaza ee go’doonsan xili weli uu socdo weerarka si weyn loo dhaleeceeyay ee lagu doonayo in lagu qabsado bartamaha magaalada.

Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 65,382 qof waxana ku dhaawacmay 166,985 tan iyo bishii Oktoobar 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos duugan yihiin burburka,guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii October waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -