Waxaa dhacaya duqeymo ay mararka qaar diyaaradaha dagaalka Israa’iil ka geysanayaan Magaalada Rafax oo ah meesha kaliya ee ay u barakaceen falastiiniyiinta xili dunidu ka digeyso in magaaladaasi iyo barakacayaasha la dhibaateeyo.

Weerarrada Rafah waxay sii dhaawacayaan dadaallada gargaarka ee Qaramada Midoobay sida lagu faafiyay wararka dhanka UN-ka ka soo baxaya.

Advertisement

Sida sawirka aad ka arki kartaan waa Aabe laba caruur ah sita oo ag fadhiya dhismo burburay meel uu ka aadana aan aqoon.

“Duqeymaha cirka ee Rafah oo kordhay ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo xaalad bani’aadamnimo ee xad dhaafka ah”, ayaa lagu yiri war ka soo baxay UNRWA.

In ka yar 35 baabuur oo gargaar ah ayaa gala Gaza maalintii celcelis ahaan tan iyo Isniintii sida ay sheegtay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin

Golaha wasiirrada Israa’iil ayaa u balansan si ay uga fikiraan heshiis xabbad-joojin ah iyo heshiis maxaabiis is dhaafsi ah oo dunidu ka shaqeyneyso in la dhex dhigo Xamaas iyo Yuhuuda, xili 21 qof lagu xiray mudaaharaadyo ka dhacay Tel Aviv.

Si kastaba ugu yaraan 29,606 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Gaza halka lagu dhaawacay 69,737 ruux   tan iyo 7-dii October sanadkii hore.

=SOURCE ALJAZEERA=

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

Previous articleWadaadka Wacdiya Ciidamada Dowlada oo la hadlay Askarta xerada Jen,Dhaga-badan+SAWIRRO
Next articleDAAWO: Shacabka Gaza iyo Duruufta isticmaalka baaskiilada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here