Shirkii maanta dhexmaray Madaxda Federaalka iyo dawlad goboleedyada ayaa galinkii danbe maanta soogaba gaboobay.

warar aan kahelnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in kulanka bilawgiis uu ahaa kaftan dhexmaray Dani iyo Farmaajo, iyadoo Dani uu ku kaftamay saaxiib hana daalinin shacabkana ha wareerinin ee doorashada aad rabto inaad ku shubato dalkan kama soconayso ee dhexda soo dhig nasiibkaaga aad qabtaa.

M.Farmaajo ayaa dhankiisa ku tilmaamay Dani iyo A.madoobe macangagiin aan waxba laga wadi karin sidaa daraateed ay tahay inaysan baqin oo ay saxiixaan heshiiskii 17 sebtember.

A.madoobe ayaa ritay hadal kaftan ah isagoo yiri saaxiib Abaartii Gedo mawaxaa gar-gaar aad uga dhigtay Hub iyo rasaas.

kaftanka socday waxaa marqaati ka ahaa Rooble iyo saaxiibada Farmaajo ee Lafta gareen, Qoorqoor, Cali guudlaawe iyo Cumar finish, iyaga doorkoodu wuxuu ahaa qosol dhoola cadayn ah oo aan meel fog gaar siisnayn.

Kaftanka kadib waxaa la isku dayay in laguda galo ajandaha iyadoo qolo walba ay lasoo baxday faylasha ajandaha ay doonayso inuu noqdo shirka wayn.

waxaa la isla gartay in qolo walba ay dhankeeda tanaasul samayso hase ahaatee waxaa muuqatay in qolo walba ay si hoose ugu dhaganayd qodobada la isku hayo.

Dani iyo A.madoobe ayaa aad ugu dhaganaa inuu odaga ogolaado qorida warqada awood wareejinta, halka farmaajo oo ahaa qofka ladoodayay uu ku celcelinayay intaas ay is faham kagaari karaan balse ay joojiyaan dani iyo madoobe qodob uu aad udiidanaa oo ah in shirka ay kaqayb galaan Cabdi xaashi iyo Midawga musharixiinta.

Beesha Caalamka ayaa dooda kor kala socotay mar walba waxaa loo dirayay fariimo halka ay wax marayaan.

Dhinacyada oo umuuqda inay kabaqayaan hanjabaad adag oo ah in cunaqabatayn lasaari doono cidii shirka carqalad ku noqota ayaa ku balamay inay barito isku soo noqdaan si toos ahna qodobada adag loo lafaguri doono.

Dhinacyada ayaa barito kulmaya iyadoo caawa latashiyo lala samayn doono saaxiibada kale ee ay doorashada qusayso.

Dani iyo A.madoobe ayaa isla caawa kulamo laqaadan doona saaxiibadood madasha bad-baado qaran.

Allaw sahal umuuraha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here