Wararkii ugu danbeeyay doorashada:

Rajo yar ayaa muuqata marka la eego kulamadii xalay dhacay ee dhexmaray hogaamiyayaasha shanta maamul goboleed Puntlad, Galmudug , K/Galbeed iyo hir-shabeele.

waxaa loobalamay in kulankale barito markale ay maamulada isku arkaan Hotel kuyaala Xalane.

Maanta waa jimce wax kulan madhicin balse caawa ayaa waxaa bilawday kulamo ka horeeya midka berito.

Xiligan waxaa kulan uu usocdaa Madaxweyne qoor qoor xubno katirsan madasha bad baado qaran, kulankan ayaa ka socda Hotel Airport oo ay dagan yihiin Dani iyo A.madoobe.

wax yar kadib ayaa lafilayaa in Qoor qoor uu hadana kaqayb galo kulan madaxtooyada kadhacaya kaa soo uu qaban qaabiyay M.Farmaajo iyadoo ay kaqayb geli doonaan Farmaajo iyo Sadexda maamul goboleed Hir-shabele, Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Hadii aanu caqabad horleh keenin kulanka madaxtooyada, waxaa lafilayaa in kulanka beri dhacaya ay shanta maamul goboled isku fahmaan waxyaabaha la isku hayo.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland ay shirkii xalay ka sheegeen in sababta ay ugu qeyb geli waayeen shirkii maalmahan u socday madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay tahay cabasho ay ka qabaan habka uu wax u wado Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Deni iyo Axmed Madoobe ayaa soo jeediyay in ciidamada dowladda gabi ahaan laga saaro xerada Afisyooni, isla markaana amniga lagu wareejiyo ciidamada AMISOM.

Qodobada kale ay ku doodeen waxaa ka mid ah in laga heshiiyo jadwalka shirka, isla markaana madaxweyne Farmaajo uusan shir guddoomin kulanka, lana helo qof damaanad qaada fulinta waxyaabaha lagu heshiiyo.

Qodobadan qaar ayaa la isku afgartay halka kuwa kale xalintooda beri loo balansan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here