
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa diyaarisay hoolka lagu qabanayo Munaasabada saxiixa Heshiiska Tubta doorashada ee lagu dhameystirayo Is afgaradkii Baydhabo, ka qeybgalayaasha munaasabadda iyo halka ay dagayaan madaxda dawlad gobaleedyada.
1- Madaxda dawlad gobaleedyada ayaa la dajinayaa Hotelka Decale oo ay haddaba dagaan madaxda maamul gobaleedyada.
2- Munaasabada Saxiixa Heshiiska ayaa ka dhici doonta Hoolkii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo 7-dii Feb 2017-kii, oo ay ammaanka sugayaan ciidamada DF Soomaaliya.
3- Qeybaha bulshada rayidka ah, Beesha Caalamka safirada kala duwan iyo Siyaasiinta Soomaalida oo ay ku jiri doonan Musharaxiinta ayaa goobta lagu casumi doonaa.
4- Saxiixayaal, waxaa noqonaya cidii saxiixday heshiiskii 17-kii September 2020.
Mohamed Rooraye