Gaza (dayniiile.com)-Wararka ugu danbeeya ee caawa ka imaanaya Magaalada Gaza ayaa sheegaya in wali uu socdo xasuuqii lagu hayay dadka muslimiinta ah ee reer Falastiin.
Wararka caawa la helaayo waxaa ka mida in madfac lala helay guri Gaza ku yaal ay ku dhinteen mar kaliya qoys ka koobnaa 18 ruux.
Qoyskaan waxaa la sheegay inuu ka soo jeedo sawir qaaddaha Aljazeera ee Magaalada Gaza inkastoo isaga inuu ku jiro aan warbixinta lagu darin.
Sidoo kale wararku waxay intaasi ku darayaan in Yuhuudu caawa  sii wado duqeymo aan kala joogsi lahayn iyagoo xitaa adeegsaanaya hub hore looga mamnuucay Dunida.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleDad loo soo qabtay dilkii caawa ka dhacay Dhuusa-mareeb
Next articleDEG DEG: Dab Caawa saq dhexe ka kacay guri ku yaal wadada Maka Al-mukarama oo lagu guuleystay in la bakhtiijiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here