Waxaa siwayn ukordhay saacadihii ugu danbeeyay dadaalka ay Beesha caalamku ugu jirto xal in loo helo muranka doorashada, waxay kulamo laqaateen dhamaan dhinacyada is haya.

Shanta madaxweyne dowlad Goboleed ee Soomaaliya ay xalay yeeshay shir khadka taleefonka ah.

Shirkan ayaa looga hadlay is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya, xilli uu gabaabsi yahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo ay ka hartay kaliya laba asbuuc, lagana cabsi qabo in firaaq maamul uu dalka ka dhaco.
Waxa uu shirka yimid kadib markii Wakiilada Beesha Caalamka ay shalay iyo dorraad si kala gaar ah ay kulamo dhanka qadka Zoom-ka ula yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo musharaxiinta mucaaradka, ayaga oo xal u raadinaya muranka ka taagan qabashada doorashada Sooomaaliya.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dhamaan dhinacyada ay ogolaadeen in todobaadka soo socda ay ka qayb galaan kulan ay beesha caalamka ku qaban doonto Muqdisho.

Waxaana la filayaa in dawladu ay samayn doonto tanaasul wayn si loo qabto doorasho wada ogol ah.

Wakiilada Beesha Caalamku waxay way dhiisteen dhamaan dhinacyada inay miiska wada hadalka la yimaadaan tanaasul dhab ah.

Hadaba hadii kulanka todobaadka soo socda dhacaya ay ka soo bixi waayaan wax natiijo ah maxaa dhici doona?

Dad badan waxay aamin san yihiin in wakiilada Beesha Caalamku ay keeni doonaan qorshe kale oo arinkan lagu xaliyo, mana ogolaan doonaan in wadanka uu fawdo galo.

Muqdisho
Ustad Nadara

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here