HomeWarkiiAlshabaab kale oo lagu laayay howlgal ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubaland...

Alshabaab kale oo lagu laayay howlgal ay Ciidamada Dowlada iyo kuwa Jubaland ka wadaan duleedka Deegaanka Kudhaa

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sii wada howlgallo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ka socda deegaanno ka tirsan duleedka fog ee Kudhaa.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee la sameeyay ilaa xalay ayaa lagu dilay 24 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, ayadoo sidoo kale lagu soo qabtay labo xubnood oo dhaawac ah, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay dhulka howdka ah ee Kudhaa.

Sidoo kale, aroornimadii saakay ciidamo howlgal qorsheysan ka fuliyay isla deegaankaas ayaa dilay afar xubnood oo ka mid ahaa firxadkii Khawaarijta ee ka baxsaday dagaalladii hore.

Dhanka kale, ciidamada ayaa weli ku raad-jooga horjooge Fu’aad Shangole oo la xaqiijiyay inuu qabo dhaawac culus, iyadoo howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta.May be an image of text that says "Galaxy GalaxyA16 A16"May be an image of text that says "Galaxy IGalaxyA16 A16"No photo description available.May be an image of jeep and text that says "Galaxy GalaxyA16 A16"May be an image of jeep and carMay be an image of text that says "Galaxy A16"May be an image of text that says "Galaxy GalaxyA16 A16"No photo description available.May be an image of car and jeepNo photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -