MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw aaga Xaafada Taribuunka ee Magaalada Muqdisho oo tan iyo saaka dagaal uu ka socday ayaa sheegaya in xaaladu sidii hore dhaanto ,waxaana soo baxaya warar kala duwan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalku dib u qarxay kadib daqiiqado uu iskiis u istaagay iyadoo warar kale oo aan la xaqiijin sheegayaa in ciidamada Dowlada dib uga baxeen goobta dagaalka.
Muuqaalada ugu danbeeya ee laga helaayo goobta dagaalka ayaa muujinaya burburka dagaalku durba u geystay aagaga la isku hayo, sidoo kale muqaalada waxay muujinayaan gaadiidka dagaalka ee ciidamada Dowladu adeegsanayaan.
Madfac ku dhac guri ku yaal xaafada Taribuunka ayaa la soo sheegayaa inay ku dhimatay maamo waayel ahayd taasoo muuqaalo laga soo duubay lagu faafiyay baraha bulshada iyadoo lagu sido sariirtii ay ku dul dhimatay.
Isbitaalada ayaa sidoo kale waxaa la gaarsiinayaa dad ku soo dhaawacmay dagaalka oo isugu jira dhinacyada iyo shacabka.
Hay’adaha amaanka ee Dowlada Somalia sida Taliska Booliisa ayaan wali warbixin ka soo saarin dagaalka, khasaaraha ka dhashay iyo sababta keentay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMÂ Â
