QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan 21 qof ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee guud ahaan Gaza tan iyo waaberigii. Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira dad badan oo gargaar doon ah.
Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa ku hanjabay waxa uu ugu yeeray howlgal xooggan oo dhulka ah oo ka socda magaalada Gaza, isaga oo uga digay Falastiiniyiinta ku sugan bartamaha magaalada.
Xamaas ayaa cambaaraysay hanjabaadaha Netanyahu waxayna dhaleecaysay burburinta joogtada ah ee dhismayaasha dhaadheer ee magaalada Gaza, oo ay ku jirto munaaradda as-Salam, oo ay ku tilmaantay “mid ka mid ah sawirada foosha xun ee murugada iyo dambiyada”.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 64,522 qof waxana ku dhaawacmay 163,096 tan iyo bishii Oktoobar 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka. Guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
