HomeWarkiiWararkii ugu danbeeyay ee xaalada Mudaaharaadka Tanzania

Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Mudaaharaadka Tanzania

DODOMA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Dalka Tanzania ayaa sheegaya in xaalada banaan baxayaasha ay ka sii dareyso iyado saacadihii ugu danbeeyay la soo wariyay il ilaa heer dhimasho ay gaartay xaaladu xili shacabkuna xoog ku galayaan goobaha muhiimka ah sida Garoonka diyaaradaha.

Shacabka Tanzania ayaa ka mudaaharaadaya habka ay u dhacday doorashada dalkaasi oo muran badan uu hareeyay waxaana la arkayay shacabka oo gabi ahaanba l wareegay garoonka diyaaradaha ee caadisamada dalkaasi.

Shacabka careysan ayaa ka cabanaya in doorashada laga reebay labo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka,waxayna Dowlada ku eedeeyeen inay ku xad-gudbeyso dimuqraadiyadda

Sida BBC-da ay sheegtay Taliyaha sare ee ciidanka Tanzania ayaa dadka ka mudaharaadaya doorashada madaxtinimada ee lagu muransan yahay ku tilmaamay dambiilayaal,taliyaha wuxuu ku baaqay in la dhowro sharciga iyo kala dambeynta.

“ciidamad ayaa xaaladda gacanta ku haya inkastoo shacabku ku dhaqaaqayaan .falalka dambiyeedyo amniga wax u dhimaya” ayuu yiri Taliyaha

Wararka ugu danbeeya ee laga helaayo mudaaharadayaasha ayaa sheegaya in 2 ruux la dilay maanta xili isu soo baxayaasha rabshadaha wata ay ku faafeen xadka Kenya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -