QAZA (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ku qaadday guri ku yaalla deegaanka Bani Suheila, ee bariga Khan Younis, ee koonfurta Qaza, sida uu sheegay difaaca madaniga ah ee deegaanka.
Dhanka kale, laba qof ayaa lagu dilay Abasan al-Kabira, oo sidoo kale dhanka bari ka xigta Khan Younis, sida uu sheegay Isbitaalka Nasser ee magaalada.
Israa’iil ayaa dishay 32 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 12 carruur ah iyo 8 haween ah, 88 kalena ku dhaawacmeen 24-kii saac ee la soo dhaafay guud ahaan Marinka Qaza, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee deegaanka.
Dagaalka xasuuqa ah ee Israel ka wado Qaza ayaa waxa ku dilay ugu yaraan 69,546 falastiiniyiin ah waxana ku dhaawacmay 170,833 tan iyo October 2023. Wadar dhan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weeraradii ay Xamaas hogaaminaysay 7-dii October 2023, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEERA
DAYNIILE.COM
