Waxaa sii xoogeysanaya dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in dib loogu furo Marinka Hormuz, iyadoo Iran ay sheegtay in wadahadallada ay la leedahay Cumaan ay u socdaan “si wanaagsan”.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa sidoo kale ka warbixiyay “horumar” laga sameeyay wadahadallada ku saabsan marinkaas, halka Xoghayaha Maaliyadda Scott Bessent uu tilmaamay in heshiis la gaari karo “maanta ama berri”.
Ciidamada Israa’iil ee ku sugan Daanta Galbeed ee la haysto ayaa sameynaya hawlgallo ballaaran oo lagu galayo xaafado dhowr ah. Askartu waxay galeen xeryaha qaxootiga ee Qalandiya, iyagoo xoog ku galay guryaha dadka oo xiray Falastiiniyiin.
Kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay gantaallada riddada dheer (ballistic missiles) ku weerareen markabka shidaalka qaada ee Sacuudiga oo la yiraahdo *Wafa*, kaas oo marayay waqooyiga Badda Cas.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
