Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa wacad ku maray inay ka takhalusi doono hoggaanka militariga Ruushka, oo uu ku eedeeyay inay weerar ku qaadeen ciidankiisa, halka dacwad oogaha guud ee Ruushku uu sheegay inay isaga ku socdo baaritaan ku saabsan ” fallaagonimo hubeysan”.

“Waan sii soconaa, waxaana tagi doonaa meesha ugu dambeysa,” ayuu ku yiri cod farriin ah oo uu soo duubay Yevgeny Prigozhin, oo 62 jir ah

Advertisement

“Waan burburin doonnaa wax walba oo inaga horyimaada,” ayuu ku dara

Waa caqabaddii ugu dhiirranayd ee uu la kulmay madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore.

Waxa uu markii dambe sheegay in ciidamadiisa ay soo rideen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka.

“Diyaarad Helicopter ah ayaa hadda rasaas ku furtay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah. Waxaa toogtay cutubyo ka tirsan PMC Wagner,” ayuu yiri.

Maamulka Ruushka ee ku sugan magaalada Rostov ee u dhow Ukraine ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku nagaadaan saaka oo Sabti ah, iyadoo madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner uu sheegay in ciidamadiisu ay galeen gobolka xadka koonfurta

Previous articleATMIS oo ku wareejisay ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed Saldhig kuyaala Hirshabeelle
Next articleDFS oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso dhibaatooyinka ay la kulmaan Soomaalida ku Ganacsata Koofur Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here