BALAD-XAAWO (DAYNIILE.COM)-Wararkii ugu danbeeyay ee aan ka heleyno Balad-xaawo ayaa sheegaya in Dagaalka saaka uu ku dhintay Taliyihii hore ee Booliiska Jubbaland ee Geddo Gen.Xuseen Giif inkastoo wali masuuliyiintu ka hadlin islamarkaana aysan xaqiijin.
Sawirka Sarkaalka iyo dhimashadiisaba waxaa aad u hadal haya warbaahinta Gedo iyo baraha bulshada, xili dagaalkiina la soo afjaray oo ciidamada Dowladu ka adkaadeen kuwa Axmed Madoobe.
Ciidamad Axmed Madoobe waxaa la soo sheegayaa inay qaarna Mandera u carareen,qaar la dilay,kuwo ugu badana nolosha lagu qabtay halka qaarkoodna dagaalka ku dhinteen inkastoo labada dhinacba dhimasho jirto.
Sawiro horudhac ah ayaa laga helay tuula amiin halka dhufeyska u ahayd ciidamada Axmed Madoobe,waxaa jirta tuhun xoogan oo ah in Dowlada Kenya la safan tahay ciidamada Jubaland oo ay gadaal ka taagan yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM



