Wararka ugu danbeeya uguna badan ee laga soo tabinaayo Dalka Falastiin gaar ahaan marinka Gaza ayaa sheegaya in xaalad bini’aadanimo tii ugu adkeyd ay ku jiraan shacab.

Kumanaan kun ayaa laga cabsi qabaa inayu dhintaan macaluul iyo gaajo  maalmo gudahood xili Israa’iil ay xannibtay gargaarka.

Advertisement

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada, OCHA, ayaa sheegtay in hay’adaha samafalka si nidaamsan loo diiday inay galaan waqooyiga iyo koonfurta Gaza iyo sidoo kale kolonyada gargaarka bini’aadantinimo ay la kulmayaan weerar kaga imaanaya dhanka Yuhuuda.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in carruurtu ay u dhimanayaan fuuq-bax iyo macaluul sii kordhaysa

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqay Congress-ka in ay meel mariyaan hindise-sharciyeedka maalgelinta kaas oo ka caawin doona Israa’iil in ay is difaacdo.

Ugu yaraan 29,878 qof oo u badan haween iyo carruur ayaa lagu dilay 70,215 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COM

Previous articleShirkii Jowhar oo galay maalintii 3aad +SAWIRRO
Next articleXaafada Islii oo beri lagu wado inuu ka bilowdo qorshe Somaida faraha qaxootiga looga tirtiraayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here