Dhuusa-mareeb (dayniiile.com)-Wararka laga helaayo Gobolka Galgaduud caasimadiisa Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in her gabo-gabo ah uu marayo qorshahe Dowladu ku dooneyso sidii loo soo afjari lahaa wajiga koowaad ee dagaalka Alshabaab lagula jiro.

Qorshahaan oo mar ka dhicisoobay dowlada markii guuldaro weyn ay kala kulmeen deegaanka Cowsweyne ayay Dowladu dib uga soo kabatay iyadoo saraakiil  ay xilalkoodano ku waayeen kuwa kalana wali baaritaano ay ku socdaan.

Advertisement

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in muhiimada Dowlada uu yahay in Alshabaab laga saaro Degmooyinka Ceelbuur,Galcad iyo Ceel dheer markaasoo uu soo dhamaan doono inta badan culeyska Dowlada ka saaran soo afjarida wajiga koowaad ee dagaalka xili la doonayo in wajiga abaad loo gudbo.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii saraakiil ciidan,wasiiro,xildhibano iyo masuuliyiin gobol iyo Degmooyin ay isgu tageen walina ku sugan yihiin aag cusub oo Dowladu ka furtay deegaanka Waradhuumale oo hoos taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan halkaasoo laga qaadayo duulaamo ku wajahan deegaanka Wabxo oo gacanta Alshabaab ku jira.

Deegaanka Wabxo wuxuu istaraatiiji u yahay qabashada Degmada Ceel-buur iyo kuwa kale sida Galcad iyo Ceel-dheer.

Sidaas oo kale qabiilada aagaas deriska ku ah qaarkood ayaa 2 maalin ka hor heshiis ku kala saxiixday deegaanka waradhuumale kaasoo ay ku mideynayaan cududooda.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here