Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa warfidiyeenka u sheegay inuu rajaynayo in xabbad joojin laga sameeyo Qaza Isniinta soo socota, in kasta oo aanu wax tafaasiil ah ka bixin, sida uu sheegay weriyaha Aljazeera Patty Culhane oo ka soo hadla Washington, DC.

Dhakhaatiirta cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa dhulka ku daweynaya dhaawacyada kadib markii ciidamada Israel ay rasaas ku fureen dad gargaar sugayay.

Advertisement

“Kama qayb qaadan doono barakicinta qasabka ah ee rayidka,” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric iyadoo Israa’iil ay qorsheynayso Rafah inay weerarka dhulka ah ku qaado

Xamaas ayaa ku dhaleeceysay madaxweynaha Mareykanka ee Biden inuu awood u siiyay Yuhuuda  go’doominta Gaza, wuxuu intaasi ku daray dhibaatada Gaza ka taagan  ee shacabka lagu hayo inay ceeb ku tahay bini’aadamka islamarkaana aysan taariikhdu  tirtiri doonin.

Ugu yaraan 29,782 qof ayaa lagu dilay halka 70,043 kalena lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar.

No description available.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleCiidamo ka tirsan Kumaandooska Danab oo booqday xaalada nolaleed ee deganka wargaadhi+SAWIRRO
Next articleMareykanka muxuu ka yiri askarigoodii isu dilay xasuuqa lagu hayo Gaza darteed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here