MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirkii hore ee waxbarashada Dowlada Somalia C/laahi Goodax Barre ayaa wareysi uu siiyay SMS TV wuxuu kaga dhawaajiyay in sababta guul darada macawisleyda reerkiisa Xawaadle ay ugu wacan tahay shirqool kaga yimid dhanka Dowlada iyo waliba dhinacyo kale.
“Waxaa jira shirqool ka dhan ah beesha Xawaadle oo ay wadaan dawladda Somalia iyo Isbahaysiyo kale”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre
Siyaasigaan ayaa mar wax laga weydiiyay waxa ugu wacan jabka iyo deegaanada iyo degmooyinka laga qabsanayo macawisleyda beeshiisa Xawaadle ayuu carabka ku dhuftay inay u sabab tahay Dowlada iyo beelaha deriskala ah reerkaani oo dhamaantood dagaalka ka baxay .
“Beelaha dariska la ah Xawaadle sida Abgaal,Habar-gidir,Mursade ,Duduble ,Gaaljacel iyo kuwa kalaba waxay go’aansadeen inay Xawaadle ku kali-yeelaan dagaalka halkii ay ku garab siin lahaayeen la dagaalanka Alshabaab”ayuu yiri C/laahi Goodax Barre
Siyaasigaan wuxuu Dowlada ku eedeeyay in dagaalo aan loo baahneyn oo macno daro ah ka wado Jubaland xili la rabay inay xooga saarto dagaalka Alshabaab.
Dhanka kale C/laahi Godax Barre wuxuu soo hadal qaaday hadii sida hada xaalku ku sii socdo inay dhici karto in awooda Xawaadle wiiqanto balse wuxuu is weydiiyay waxa ka sii dhalan kara.
“sida hada wax ku socdaan hadii Xawaadle awoodiisa wiiqanto ,dadkiisu shacab dalka kama carari karaan oo waa dad badan sidaas daraadeed waxaa iman karta inay noqdaan shacab Alshabaab,hadii ay noqdaana waxay taasi sii kordhin doontaa awooda Alshabaab iyo intey sii jiri karaan”ayuu yiri C/laahi Godax Barre
“Sida wax ku socdaan hadii Xawaadle shacab Alshabaab noqdaan, awooda Alshabaab iyo jiritaankooda ayaa sii kordhi doona” ayuu mar kale yiri C/lahi Godax
Dagaalkii ugu danbeeyay ee lagu qabsaday Maxaas mar uu ka hadlayay masuulkaani wuxuu sheegay inay sababtay in laga baxo rasaas la’aan soo wajahday ciidamada madaama sida uu sheegay Dowladu ka goosatay rasaastii ay sii jirtay beesha Xawaadle.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
