QAZA (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Israel ayaa weli sii wada duqeymaha ay ka geysanayaan Qaza, iyagoo ku dilay ugu yaraan 17 qof weeraro habeenimo ah oo ay ku qaadeen iskuul, teendho iyo guri.
Qoysaska iyo taageerayaasha maxaabiista Israel ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo dalbanaya ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu saxiixo heshiis lagu sii deynayo eheladooda.
Kumanaan kun oo mudaaharaadayaal ah ayaa Sabtidii isugu soo baxay magaalada London, iyagoo ku baaqaya in la soo afjaro mamnuucida kooxda ololaha falastiiniyiinta.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa lagu dilay isu geyn ugu yaraan 64,368 qof waxana ku dhaawacmay 162,367 kale tan iyo bishii October 2023. Kumanaan kale ayaa la rumaysan yahay in ay ku hoos jiraan burburka. Guud ahaan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, waxaana la qabtay ilaa 200 oo qof.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
