– ilaa shalay ma jirin dagaal ka socday gudaha deegaanka Tigreega marka laga reebo ka xuduudka ka socda.

-Dagaalkii ka bilowday gudaha deegaankaas ee udhexeeyey ciidanka Militeriga iyo tigreega oo dhinac ah gabi ahaanba wuu istaagay. Dagaalka oo ujeedadiisa ugu wayn ahayd hubka culus ee halkaas yaalla oo labada dhinac isku haysteen waxaa inta badan gacanta ku haya tigreega.

-dagaalka ugu adag wuxuu ka dhacay dhanka waqooyiga goobta lagu magacaabo Dinsha’a iyo Humara. Waxay labada dhinacba halkaas ka sheeganayaan guulo waawayn waxaase la xaqiijiyay in ciidamada dawlada federaalku dib ugasoo baxeen iyagoo soo gaadhay goobta lagu magacaabo ” taj admahajo”.

-Abiy wuxuu deeganada Somalida iyo Oromada ku amray inay keeneen ciidamo dhan 8 rejment ( 5,400 askari) waxaana qayb ahaan la qaaday ciidankii Oromada. Halka kuwa axmaaradu ay dagaalka kusii jireen.

-ciidamada dawladu hada waxay isu diyaarinayaan dagaal ay ka bilaabaan wadada wayn ee isku xidha axmaarada iyo tigreega gaar ahaan aagga magaalooyinka Qobbo iyo Waajja.

-dawladu waxay uyeedhay dhamaan ciidanadii horay loo fadhiisiyay. Waxaana lagu amray dhamaan inay xeryaha ciidanka iskasoo xaadiriyaan.

-deegaanka tigreega waxaa wali saaran xayiraad nooc walba ah. Waxaana maqan laydhkii, is gaadhsiintii, bankiyadii duulimaadyadii diyaaradaha.

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here