Wararkii ugu danbeeyey qaraxii ka dhacay degmada Cabdicasiis

0

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo laga helayo qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido oo ka tirsan degmada C/casiis ee magaalada Muqdsho.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax lala beegsaday qeybta hore ee Hotelka, kadibna waxaa la maqlay rasaas, iyadoo dable hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay gudaha u galeen Hotelka, sida laga soo xigtay dadweyn ku sugan goobta.

Ilaalada Hotelka ayaa dagaal la galay dableyda weerartay hotelka, waxaana weli socda rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

“Koox hubeysan oo ka tirsan Xagjirka Alshabaab ayaa weerar loo adeegsaday qarax iyo dabley hubeysan ku qaaday Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, rasaas ayaa hadda ka dhaceysa gudaha Hotel-ka…” ayuu yiri afhayeenka Wsaaradda Warfaafinta oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Waxaa cakiran xaalada goobtaas iyadoo dad badan ay ku go’doomeen gudaha hotelka, waxaana gaaray ciidamo badan oo kuwa amniga ah oo wada howlgal samata bixin ah welina ma cadda khasaaraha weerarkan.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here