Wararkii ugu Danbeeyey Shir dhimasha Badan keenay oo ka dhacay Isgooyska Howl wadaag

0

Gudoomiyaha degmada H/wadaag ee gobolka Banaadir Mustaf Cali Khayre ayaa faahfaahin ka bixiyey shil khasaare badan geystay oo caawa ka dhacay isgoyska mashquulka badan ee H/wadaag magaalada Muqdisho.

Mustaf Cali khayre ayaa sheegay in gaari xamuul ah oo ka yimid dhinaca wadada shirkadaha uu fariinka goostay dad badana ku laayey isgoyska H/wadaag.

“Xiliga uu shilku dhacayey mashquul iyo saxmad badan baa ka jirtay isgoyska, wuxuu jiiray gaarigan xamuulka ah dad badan oo sugayey gaadiid ay raacaan iyo mooto bajaajyo ay la socdeen shacab kale oo isgoyska ku xayirnaa ciriiri jiray awgeed ” ayuu yiri Guddoomiyaha degmada H/wadaag.

Waxaa uu intaas ku daray in gaariga markii uu jiiray dadka iyo mootooyinka bajaajka uu dhex galay kaalin shidaal oo ku taalla isgoyska, halkaasoo uu burbur xoogan u geystay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in meydadka dadkaas ay badankood kasoo saareen gaadiidka ay ku qalibmeen.

Dad ka badan 10 ruux ayuu sheegay iney ku dhinteen shilkan argagaxa leh, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, wuxuuna xusay in dadka dhaawacmay ee isbitaalada loola cararay uu ku jiro darawalka waday gaariga dadka jiiray oo uu xusay inuu xaalad halis ah ku sugan yahay, dhaawac culus oo gaaray awgeed.

Waxaa uu sheegay in ninka gaariga waday uu ahaa kirishboygii gaariga oo aan xirfad sare u laheyn kaxeynta gaadiidka kaasoo uu sheegay inuu si qaldan u soo watay gaariga, iyadoo uu darawalkii maqan yahay.

   

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here