Afhayeenka Ciidamada Israa’iil Jonaton ayaa waxaa uu sheegey in Israa’iil ay ku jirta mid kamid ah Xaaladihii ugu xumaa abid, tan oo kalena aaney la arag Taariikhda, waxaa uu sheegey in dhimashada Yahuuddu ay hadda mareyso in kabadan 300 oo qof dhaawacuna gaareyo in kabadan 1,700 oo qof walina uu dagaalka soconeyo.
Waxaa kale oo uu sheegey in Dad ciidaa kaban oo Yahuud ah oo Caruur, Dumara, dhalinyaro iyo Dad da’a ay afduubteen Geesiyaasha Xamaas, Afhayeenka oo sii hadleyey ayaa waxaa uu sheegey in Ciidamada Yahuuddu ay iska caabin wadaan lkn ay Xaaladdu adag tahay.
Wali waxaa soconeya Dagaal qaraar oo ka socdo inta badan dhulka Falastiiniyiinta ay Yahuuddu ka haysato iyo Magaalada Qasa, waxaa kaloo laga baqeyaa in dagaalka ay Soo galaan Ururka Awoodda badan ee Xisbulla iyo Suuriya kooxo jooga iyo Saaxiibo kale oo ay leeyihiin Falastiiniyiinta.
Waxaa Qorey : Saxafi Mohamed Hanad
Previous articleFaahfaahino laga helaayo Qaraxii ka dhacay Balad-xaawo
Next articleMadaxweyne Xasan oo hogaaminta dagaalka ku wareejiyay Qoor-Qoor una safray Ereteria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here