Guddi Amni oo ka socda shanta maamul goboleed, Madaxwaynaha Soomaaliya iyo Amisom oo shir kuleh teendhada uu barrito shirku ka dhacaya ayaa ka wadahadlaya qaabkii barrito amaanka Teendhada Afisyooni loo sugi lahaa.

Amaanka Teendhada Shirka ayaa la filayaaa in ciidamada Amisom ay sugaan amaanka, halka Ciidamada ay kala wataan hogaamiyayaasha shirka ka qaybgalaya loo samayn doono goob ay ku sugayaan madaxda.

Waxaa la isku waafaqsan yahay shirka barrito in uu u qabsoomo sida looga talo galay, iyada oo ay tahay markii ugu horaysay muddo dhawr todobaad ah oo ay is horfadhiistaan Madaxwayne Farmaajo iyo Labada Madaxwayne goboleed ee Puntland iyo Jubbaland.

James Swan ergayga xoghayaha guud ee Q/midoobay oo hadda u muuqda mid awood dheeraad ah haysta ayaa ku casuumay madaxda Soomaalida shirkaas, sida ay sheegeen madaxda Puntland iyo Jubbaland.

Shir Albaabadu u xiran yihiin oo ay xubnaha Golaha amaanku habeenkii xalay yeesheen ayay isku raaceen in cidii ka hortimaada kulamada looga hadlayo arrimaha doorashada lagu soo rogi doono cunaqabatayn, sida aan ka helay ilo dublamaasiyadeed oo ku sugan xarunta Xalane.

Madaxwayne Farmaajo ayaa isagu habeenkii xalay saq dhexe casuumaad u soo tuuray shanta maamul goboleed, si ay uga soo qaybgalaan shirka.

Qaar ka mid Madaxwayne goboleedyada oo shalay isku dayay in ay safaro gaaban ku tagaan deegaanadooda ayay beesha caalamku ka hor istaagtay.

Hadii hogaamiyayaashu dhexdooda ka heshiin waayeen, in la is khasbi karayo ma filaysay?.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here