Warbaahinta Dunida ayaa si weyn u hadal heysa dhacdo xanuun badan oo maanta qabsatay Garsooraha Soomaaliyeed ee Kubada Cagta Cumar Cartan oo ka mid ah Garsoorayaasha loo xushay inay dhexdhexaadiyaan ciyaaraha Koobka Aduunka kadib markii laga soo celiyay Mareykanka.
Inkastoo sababta rasmiga ah aan la aqoon oo Mareyanku u soo celiyeen Garsooraha Soomaaliyeed ayaa hadana warbaahinta Dunida waxay aad u hadal hayaan dhibaatada qabsatay garooraha oo markii horaba ka daahay tagista Mareykanka in hadana markii uu maanta caga dhigtay lagu soo celiyay Dalka Turkey oo markii horaba uu ka soo baxay madaama uu taransit ku ahaa.
Cumar Cartan waxaa saameyn ku yeeshay maalmo ka hor markii uu baasaboor Soomaaliga ku waayay Viisa Mareykan ah balse safaarada Somalia ee Kenya ayaa u sameysay Pasaport Diblomasit taasoo keentay inuu ku helo VIsa balse markii uu Mareykanka caga dhigtay hadana ay ciidan ku dhageen kuwaasoo Turkiga ku soo celiyay.
Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan in Xiriirka kubada Caata Somalia uu dacwad u gudbiyay FIFA ayna gaartay islamarkaana arinta FIFA ay hada ku jirto.
Dhanka kale waxaa si weyn loo rajeynayaa in Madaxda sare ee Dowlada Somalia oo kaashanaya Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka inay arintaan wax ka qabtaan si Garoosraha Soomaaliyeed degdeg loogu celiyo Mareykanka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
