HomeWarkiiWarbaahinta Dunida oo si weyn u hadal heysa calooshood u shaqeystayaasha Boosaaso...

Warbaahinta Dunida oo si weyn u hadal heysa calooshood u shaqeystayaasha Boosaaso looga daabulo dagaalka Sudan si ay u laayaan muslimiinta

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Warbaahinta Caalamka ayaa markaan aad waxay u hadal hayaan una baahinayaan in Magaalada Boosaaso ay noqotay halka looga duulo shacabkla muslimiinta ee Sudan, iyadoo calooshood u shaqeystayaal gaalo u badan mar kasta diyaarado laga saaro Boosaaso oo ah xarunta labaad ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland taasoo mustaqbalka godob ku noqon doonta Soomaalida.

Wargeyska The Guardian iyo kuwa kale ayaa qaarkood laga leeyahay dalalka laga keeno calooshood u shaqeystayaasha sida Colombia ayaa daabacaya in Saldhiga Ciidan ee Dowlada Imaaraadku ku leeyihiin Boosaaso in laga abaabulo lagana diro mar kasta calooshood u shaqyeystayaal hubeysan oo imaaraadku maalgeliyo kuwaasoo lood diro dalka Sudan si ay ula dagalaan ciidamada Dowlada Sudan una laayaan shacabka Muslimiinta Sudan.

Magaalada Nyaala ee Suudaan ayaa la geeyaa calooshood u shaqeystayaasha sida uu cadeeyay mid ka mida oo u dhashay dalka Kolombiya oo magaciisa loo qariyay sababo amni,ninkaani wuxu sheegay inuu dalkiisa ku saxiixay heshiska uu Imaaraadka kula galay inuu bishii qaato $2,600.

Wuxuu intaasi ku daray calooshiis u shqeystahaani in saarka koowaad markii dalkiisa ka soo baxay lagu geeyay dalka Itoobiya kadibna Boosaaso loo soo kaxeeyay kadibna halkaasi diyaaradii ka qaaday ay toos u geysay  Magaalada Nyaala ee Suudaan si uu ugu biiro mucaaradka Dowlada Sudan ee dagaalka kula jira Dowlada iyo shacabka Sudan.

Lama yaqaan sababta Dowlada Somalia uga aamusan tahay tacadiyada nuucaan ah ee dalkaana gudihiisa lagu geysanayo oo xitaa ay qaramada Midoobe ugu dacweyn la’yihiin hadii aysan xitaa tabar u heyn.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -