20-kii October 2011-kii maanta oo kale ayaa la dilay Hoggaamiyihii Liibiya maamulayay Muammar Muhammad Abu Minyar al-Gaddafi kaddib markii maamulkiisa uu saameeyay kacdoonkii Guga Carabta.

10-ka sano ee laga joogo markii la dilay Qadaafi dalkiisa waxa uu wajahay dagaallo sokeeye, Hoos u dhac dhaqaale, madax furasho laga qaato Dadka tahriibka u taga iyo dhibatooyin kale oo xaaladaha nololeed ku gedaaman.

Dalkaan dhaca Waqooyiga Afrika waxa uu hodan ku yahay Shidaalka balse hoos ayay u dhacday awooddiisa ka faaiideysiga kheyraatka Dabiiciga ah sida ay ku doodeen khubarada la socday 10-kii sano lasoo dhaafay.

Liibiya waa marinta ay ka gudbaan Tahriibayaasha u socda Qaaradda Yurub inkasta oo tacadiyo kala duwan ay la kulmaan inta ay ku jiraan gacanta kooxaha madax-furashada ka qaata ehelka tahriibayaasha.

Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay ayaa 9-kii October 2021 Warbixin ay soosaareen waxa ay ku sheegeen in halista Tahriibka uu sii batay, Xabsiyadana ay ku jiraan dad loo heysto in ehelkooda laga qaato lacago lagu sii deynayo.

Muddo dheer waxaa is mari waayay dhinacyada siyaasadda Liibiya oo marar badan loo qabtay kulamo ay isku fahmi waayeen, ugu dambeyn 2-dii October 2021 ku heshiiyay in Doorashada dalkaas ay dhacdo 24-ka December 2021

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here