Seddex wasaarad oo katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa la sheegay in muddo 3 bil kudhaw aan loo shaqo tegin culeys amni awgeed oo ah meesha ay ku yaallaan gudaha Muqdisho.

Wasaaradda Waxbarashada,Wasaaradda Arrimaha Dibada & Wasaaradda Qorsheynta ayaa seddexduba waxay ku yaallaan agagaarka isgoyska Soobe ee Magaalada Xamar,oo ay aad iskugu dhaw yihiin.

Shaqaalaha ayaana tegin sida xogaha lagu ogaaday xarumaha wasaaraddahaasi ku shaqeeyaan,iyadoo la amray inay guryahooda howlaha looga baahdo kasoo qabtaan.

Wasiirka Arimaha dibada Abshir Cumar Haruse,Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beene beene iyo Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh C/qaadir ayaana la sheegay inaysan tegin xafiisyadooda shaqada.

29-kii bishii october waxaa qarax ismiidaamin ah lagu weeraray wasaaradda waxbrashada iyadoo shacab badan ay ku le’deen qaraxaasi oo labo ahaa,iyadoo uu ka dhacay agagaarka isgoyska soobe oo wasaaraddaasi ku taallo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here