Waxaa jira kalmado Carbeed oo khaarijta shabaab kasoo min guurisay argagixisada kuwaas oo kala ah:

عملية, إنغماسي , إغتيال, إستشهادي, إنحراف, ردة, عميل, والي  iyo kuwo kale oo isku shaqlan oo la mid ah.

Waa erayo dhegaha dadka Soomaalyeed ku batay 15-20-kii sano ee ugu danbaysay. Qaar badan oo innaga mid ah macnaha eraydan asal ahaan carabiga ah ee siiqadda wadaaga ma fahamsana, laakin waxay ogyihiin in ay Alshabaab xiriir la leeyihiin. Iminka waxaa muuqata in gooddiga iyo dabka ka muuqda erayadan aaney dadka qaar dheg u dhigin.

Nabaddoon Cilmi Hagar Guure ayaa dhammaadkii sannadkii hore sidan yiri:

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegayaa Shabaab waa dhintaye halla is raaciyo, guyahana hallaga soo baxo. Wallaahi nin la deynayaahi ma jiro”.

Maalma uun ka ddib markii uu hadalkaa yiri. Nabaddoo Cilmi Hagar ilaahay ha u naxariistee wuxuu 29-kii September ku geeriyooday dagaal Alshabaab uu kula jiray oo ka dhacay deegaanka Ceel Qooxle ee Gobolka Hiiraan.

Raysal Wasaare Xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac oo tacsidii nabaddoonka gabay kooban ku xusay waxaa erayada ku jiray: uu

“Hudheel kaa haleelaa ama hillin ku qaraxdaaba

Heddu wey baxaysaabuu na yiri waana huri waa!”

Ma waxaa la gaaray billowgii dhammaadka Alshabaab mise?

Sawirka guud ayaan qodobkaa isku saarayaa, waa anigoo ah Maxamed Cabdi Xaraare

1991

Haddii aad qaangaar ahayd amaba aad garaad lahayd 1990-maadkii oo aad usoo joogtay xaaladahii qallafsanaa, hoggaamiye kooxeedkii iyo is dilkii qabaa’ilka – kaddib burburkii dowladdii dhexe, sida aniga oo kale waxaa adkayd in ay maskasdu so dhufato inaad aragto dad Soomaaliyeed oo ku xulufoobay wax aan qabiil ahayn – fikir. Waxaase kasii daran in xulufowgii uu noqon karo dhextaalka dhibta 30 jirsaday ee Soomaaliya.

Maxaase fududeeyay isu habarwacashada dhallinta Shabaab la baxday? Dhowr docood waa laga eegi karaa oo ay ugu horrayso xukunkii milatariga, dayicii baahsanaa ee uu dalku galay, manaahijtii aan la barxin ee la inoo dhigay iyo hanka dowladnimo ee galay ururro diimeedyo dagaallo dhowr ah dalka ka galay 90-aadkii.

Laakin qodobka ugu muhiisan ee qarnigan la kowsaday ee arrimo huursanaa qolofta ka riday waa kacdoonkii uu Mareykanku hoggaaminayay ee “la dagaallanka argagixisada”.

Waxaa lagu doodaa in kacdoonkaasi uu saameyn ba’an iyo olol baahsan u gaystay caalamka islaamka in kabadan inta uu galbeeka u gaystay. Wali waxay dalal badan la daalaa dhacayaan daminta dabkii la beermay iyo aafadiisii.

Soomaaliya howlgallo lagu beegsanayay shakhsiyaad la tuhmay ayaa qayb soo dedejiyay sameysanka aan lasii qorshayn ee Alshabaab. Kooxda oo ku dhex qarsan ururro kale, sida Maxaakimtii Islaamiga ee 2006-dii 360 darajo wareejiyay taariikhda Soomaaliya, ayaa dagaallo ba’an la galay dowladdii dhisantay 2004-tii iyo ciidankii Ethiopia ee dalka soo galay. Tallaabadaa waxa dhalisay wax riyaaq shacab lagu tilaami karo.

2008-dii, markii aay goonni u baxeen, waxa ay noqdeen unugga kaliya ee maamulay baaxadda ugu weyn Soomaaliya kaddib dowladdii dhexe. Illaa 11 gobol ayay inta badan maamulayeen.

Shabaab waxa ay gashay mid kamid ah dagaalladii ugu waaweynaa ee Muqdisho – Nihaayatul Muctaddiin oo ay ku doonayeen inay ku qabsadaaan madaxtooyada dalka oo u muuqatay, 2011-kii

Dagaalkaa ciidan ahaan jab weyn ayaa kasoo gaaray. Siyaasad ahaanna waxaa billowday doodo hoose – kuwaas oo sii labablixaasaday kaddib markii ay Muqdisho ka baxeen, Agoosto 2011.

Ka bixistan waxay kalliftay inay beddelaan qaab dagaalkoodii.

Laakiin sida lagu yaqaanno ururrada ku dhisan naxariis darrada iyo dhiig daadinta, waxaa ugu danbeyn ka dhex dhaca kala shaki, isfarmuuqid iyo is masuugid karti – Alshabaabna sidoo kale sadarkaa kama baxsan oo kama badbaadin

 

Jabkii dagaalkii Muqdisho ee is maqiiqa ahaa kaddib, waxaa u billaabmay maalmo dildillaac iyo docodoceyn ka dhex aloosantay madaxdii hoggaminaysay – kaas oo horay u qarsoonaa.

Qaar ka mid ah saraakiisha kooxda ayaa hoggaamiyahooda, Axmed Godane, ku eedeeyay “inxiraaf” ama inuu xarigga eebbe ka furtay

Xasan Daahir Daahir Aways “ aniga mooyee cid kale oo jihaadi kartaani ma jirto jid maah ” ayuu 2013-dii ku duray Axmed Godane oo hoggaanka kooxda hayay xilligaa

Waa la is ugaarsaday.

Omar Shafik Xammami oo kooxdu Abuumansuur Al-Amriikiu taqiinnay oo Mareykan ahaa, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii alshabaab ee ugu horreeyay ee si shaac ah baraha bulshada uga dhaliila Axmed Godane. Isna waxuu ka dhaxlay in la ugaarsado. April 2013 ayuu ka badbaaday isku day dil, ugu danbeynna isagoo itaal la’ oo eleladaya ayaa lagu dilay keymaha Bakool.

June 2013-kii waxa uu ugu danbayn, Axmed Godane, soo saaray AMAR lagu laynayo saraakiil sarsare oo ka tirsan Alshabaab. Isla bishaa xabaddii ugu horraysay waxa ay qabsatay macallinkiisii Ibraahim Xaaji Jaamac – oo al-afghan ay kooxdu u taqiin oo markii la dilayay sida la sheegay, loogu yeeray “Yaa munaafaq”. Inta aan risaas lagu shaandhayn.

Maalinkii la dilay habeenkeediina waxaa gurigii uu ka degganaa Baraawe isna lagu weeraray sarkaal kale: CabdiXAMIDdiif Xaamud Colhaye oo Macalin burhan ay kooxdu u taqiin.

Labadaba mar waxa ay ahaayeen hoggaamiyeyaasha Shuurada ee kooxda. Waxaa loo bartilmaameedsaday inay u arkayeen in Axmed Godane uu gooyay xarigga eebbe.

Markii labadaa nin oo horay u sheegay inay Axmed Godane ku jihaadayaan la buddhigay, Baraawe qaar ka mid ah madaxdii kale ee Alshabaab ee iyana qabay in ay birta saaran yihiin, waxay noqdeen kuwo cabsi darteed badda ciirsaday iyo kuwo barriga lugta caana maalay oo ku baxsaday.

Qaar kaloo dantu ciishay iyana hoggaanka xisbada ee kooxda – oo u dhigan balayska – ayaa xidhxidhay.

 

Tallaabooyinkaa waxay soo dedejiyeen in kooxdu shiikhdo, shakigu ballaarto oo dhexda la “isku shahiido”.

Waxaase isdilka dhexdooda iyo dilka dafahooda u barbarsocday diyaaradaha Maraykanka oo ugaarsanayay hoggaankooda sare. Midba maalin aayay baaruddu laacday. Muddo kooban waxaa gebi ahaanba guudka sare ka baxay lakabkii kore ee malaha fikirka ku aasaasay Alshabaab.

Aadan macallin ceyrow – la dilay

Abuu Cutayba – la dilay

Ismaaciil Carraale – la xiray

Axmed Cabdi Godane – La dilay

Ibraahim Jaamac Meecaad – la dilay (dhexdooda)

Cabdixamiid Xaamud Colhaye – la dilay (dhexdooda)

Xasan Daahir Aways – baxsaday

Mukhtaar Roobow – baxsaday

Kuwii dhaxlay ee aan helin xilwareejin xasilan, waxa ay kor u sii qaadeen arxandarradii ay ku indha qaadeen iyagoo kusoo daray farsamooyin cusub. Kooxdii mar lagu lagu dhisay ‘mabda’ waxay u beddeleen mid lagu maareeyo ribix iyo faa’iido doon dhaqaale.

Weerarro isdaba joog ah oo ay geysteen waxa ay ku maal gelinayeen, dhir la jaray, duunyo la dhacay iyo dhaqaale si qasab ah looga ururiyaya dadka Soomaaliyeed

Warbixin Machadka Hiraal uu soo saaray horraantii sannadka 2022-ka, waxaa lagu sheegay in “miisaaniyadda Alshabaab ay gaarayso illaa 100 Milayan oo Doollar Sannadkii”.

Illaa 24% oo lacagtaasi kamid ah waxay u qoondaysnayd iibsashada hubka wax gummaada.

Intii ay jireen waxay Muqdisho ka geysteen qaraxyo tira beel ah, qaar haddii aan ka xuso.

Shamow

Hargaha iyo saamaha

Tiyaatarka

Hooyooyinka

Zoobe

Wasaaradda Waxbarashada

Xerada Xalane

Hoteelladda Muqdisho waxaa yar qaar ka badbaaday qaraxyadooda.

Magaalooyinka Muqdisho ka baxsan ee ay qaraxyo ka geysteen waxaa ka mid ah:

Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Beledweyne, Jowhar, Baydhabo iyo Kismaayo IYO KUWO KALE

Dalalka gobolkana waxa ay weerareen, Kenya, Djibouti, Ethiopia iyo Uganda.

Alshabaal uguma horrayn adduunka awood isticmaasha arxan darro fog, fog oo fog, oo lama qiiyaasaan ah. Taariikhda fog ka kaalay, ISIS IYO ALQAACIDDA KA IMOW DOC KALE HADDII AAN EEGO oon mid isugu kaa xiro. Marka uu dhaco dhaqan beddelka kooxaha xagjirka ah ee lakabka kore uu si uun u baaba’o, waxaa billowda gabaldhacooda. Xilliyada ay qaadan karto waa kala duwan yihiin.

 

Tusaale ahaan kooxdii ama urur-kii Farc ee Colombia ee muddada dheer dagaallamayay. Waxaa lagu doodaa in kaddib markii madaxdoodii sare dhimatay ay kuwii dhaxlay isku beddeleen burcad baad badan gebi ahaanba hareer maray “qaddiyaddii hore”.

 

Malaha markii hore waxa ay u taagnaayeen in ay hirgeliyaan oo ay hormariyaan afkaarta shuuciyadda. Laakin markii ay Buuraha iyo dooxooyinka Columbia dadka ku qasbayeen in ay fikirkooda maalgeliyaan oo ay ku dileen kuna gummeeyeen, ku afduubteen waa ay nuxuuseen.

Soomaaliyana sidaa si lamid ah, ururka alshabaab ee sidaa wax u dilay, wax u gummaaday, u gummeeyay, wax u afduubay maanta cagmarin iyo waxaa dul hoganaysa daruurro aaney filayn .

Muddo kooban kacdoon shacab oo mawisley loogu magac daray ayaa magaalooyin iyo deegaamo istaraatiiji ah gacantooda ka saaray. Waa dagaal duwan waxaa ubuc u ah, qabaa’ilka deggan dhulka oo inta qaati noqtay kacay oo hubka qaatay. Waxay gacan ka helayaan dowladda.

Marka intaa kore la isku daro, khubaradu waxa ay leeyihiin macquul maaha in alshabaab sii nagaato, maalmaha unbaa la tirinayaa! Laakin haddii ay taasi noqoto cir onkoday iyo daruur hillaacay, Maxaa xiga, ma macawiley? Waa qodobka xiga ee aan marka xiga eegi doono

Iminka ma isku kaa saaran yahay sawirka guud?

W/Q: Wariye Maxamed Xaraare

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here