NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Sida uu goor dhaw shaaciyay Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR) dibad-baxyadii rabshadaha watay ee Kenya ka dhacay 25-kii bishaan ee doraad ahayd waxaa sii kordhay khasaaraha nafeed ee ka dhashay.
Dadka dhintay wuxuu gudigu ku sheegay 19 ruux halka dhaawacuna yahay 531, sidoo kale dadka xabsiga loo taxaabay ayuu gudigu ku sheegay 179 ruux.
Sidoo kale KNCHR waxay ku sheegeen kiisaska dadka la’yahay inay gaareyso 15 ruux,kufsiga shaqsiyeed 2 ruux ,kufsi wadareed 2 iyo ugu dambeyn isku day kufsi oo hal ruux ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
