1960kii ayaa u danbeysay in Baarlamaan Soomaaliyeed uu si dimuqraadi ah uga doodo una ansixiyo dastuur rasmi ah oo ay Soomaalida leedahay. Baarlamaanka maanta jira wuxuu nasiib u yeeshey inuu isaga oo ummadda Soomaaliyeed matalaya ka doodo dastuurka anagoo u rajeynayna inuu waajibkiisa ka guto uuna ansixiyo si loo helo dastuur dhameystiran oo afti dadweyne sugaya.

Umadda Soomaaliyeed waxaa ay ka faa’ideysaa in dastuurka la ansixiyo arrimo badan oo ay ugu horeeyaan:

Advertisement

1. Dastuurka waa hortabinta 1aad ee dawlad-dhiska Soomaaliya, sidaa darteed in dastuurka la dhameystiro waxay aas-aas u tahay dawladnimo dhameystiran wuxuuna sharciyad dhameystiran siinayaa hay’adaha dastuuriga ah ee heerarka dawladda.

2. Dastuurka wuxuu si wanaagsan u cadeynayaa awoodaha iyo xiriirka wadashaqeyna hay’adaha dawladda (heer federaal iyo heer dawlad goboleedba), taas oo horseedaysa in si hufan ay ummadda ugu adeegaan.

3. Dastuur sharciyad haysta wuxuu horseedayaa gobannimo buuxda oo uu dalkeenu yeesho wuxuuna kor u qaadayaa maqaamka iyo sharafta uu dalkeenu ku leeyahay caalamka.

4. Dastuur dhameystiran wuxuu horseedayaa in shacabka Soomaaliyeed ay xuquuqdooda dastuuriga helaan ayna gutaan waajibaadkooda, taas oo ay ugu horeyso doorasho toos ah oo ay ku doortaan hoggaankooda siyaasadda.

Haddaba anigoo ku bogaadinaya Baarlamaanka Soomaaliya shaqada hufan oo ay dhabarka u riteen ayaan u rajeynayaa inay si habsami leh uga doodaan ayna ansixiyaan dastuur aan is khilaafsaneyn oo awoodaha heerarka dawladda kala cadeynaya.

Waxaa sidoo kale bogaadin mudan hay’daha ka shaqeeya dib-u-eegista dastuurka oo u soo dhabar adeegay inuu dastuurka halkan soo gaaro.
#NowOrNever

W/Q/ Hussein Sheikh Mohamud

Previous articleHay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada oo shir ku qabayay Kismaayo+Sawirro
Next articleMaxay ka wada hadleen Wasiirka Difaaca Somalia iyo Wasiiru Dowlaha Difaaca Imaaraadka Carabta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here