Si loo dhaqan geliyo qancinta saamileydii wax ka dhisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lacag iyo xilal waxay noqdaanba lasiinayo ayaa hadana Villa Soomaaliya waxay wadaa qancin lagu dhaliilay.

Siyaasiyiinta qaar hore ula soo halgamay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda bilaabay inay ka wareegaan oo ay mucaaradnimadooda si tartiib ah ula hor imaanayaan baraha bulshada iyo warbaahinta kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa todobaadkii hore tegay Garowe,shan cisho uu kusugnaa ma jirin war saxaafada lala wadaagay waxay isku afgarteen isaga iyo Deni oo kulamo kala duwan ay qaateen.

Inkastoo la sheegay in waxyaabo dhowr ah isku afgarteen labada dhinac hadana natiijo la’aan in qodobo badan noqdeen ayaa lasoo wariyey taas oo keentay in Villa Soomaaliya iyo Villa Garowe midna ku dhiiran inay saxaafada la hadlaan.

xogta laga helaayo sheegaya in macluumaad kale oo soo baxay kuna aadan in Safiirka cusub ee dalka Soomaaliya ufadhin doona laga dhigayo Xasan Cabdullaahi Maxamed oo ay walaalo yihiin Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Akhbaaraadka sida la sheegayey markii hore xilka safiirkaasi waxaa loo rabay engineer Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya balse lama oga waxa isbadelay.

Deni ayaa dhawaan ku guuleystay in qoyskiisa qeyb ka mid ah loo xiro qandaraaska khaat-ka kenya ka yimaada ee tega Puntland in iyaga ay dhaqaalaha kasoo xaroonaya qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here