Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo la hadashay weriyaha BBC Ferdinand Omondi, waxay sheegtay in ay ku adkeysaneyso go’aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqoonsaneynin xukunka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Aagga ama nawaaxiga la isku haysto wuxuu gaarayaa 100,000km oo isku-wareeg ah, oo seddax xagal ah, kuna yaalla Badweynta Hindiya, waana aag loo maleynayo in shidaal iyo gaas badan ay ku jiraan.

Khilaafka xuduudda badda wuxuu ahaa mid muddo soo jiitamayay oo labada dal ka dhex dhaliyay muran dhanka diblumaasiyadda ah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay xukunka, uuna Soomaalida oo dhan ugu hambalyeynayo soo celinta dhulka.

Illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxay ku doodeysay in leenka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga, halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay.

Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka xadka dhulka ee labada dal.

Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 ee u fadhiistay go’aan ka garidda khilafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso.

Maxkamadda ICJ ayaa la timid leen cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu badan ay aaday dhanka Soomaaliya.

Madaweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah.

Balse inkastoo Kenya ay horey u diiday in ay aqbaleyso go’aanka maxakamadda, haddana ma cadda waxa ay sameyn doonto. ICJ awood uma lahan meelmarinta xukunkeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku dooday in Kenya ay ku xadgudubtay madaxbannaanideeda, iyadoo howlgallo ka sameysay biyaheeda, waxayna dalbatay magdhow.

Balse garsooreyaasha maxkamadda ayaa dooddaas Soomaaliya diiday.

Sannadkii 2009, labada dal waxay isla gaareen is-afgarad ay taageereysay Qaramada Midoobeey, si xal looga gaaro khilaafka xuduudda iyadoo loo marayo wadahadal, taas oo baarlamaanka Soomaaliya uu diiday.

Balse, shan sano ka dib xilligaas, Soomaaliya waxay sheegtay in wadahadalladii ay fashilmeen, waxayna dacwad u gudbisay ICJ.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Soomaaliya waxay ka carootay in Kenya ay iibisay shatiyo ku saabsan aaggii lagu muransanaa, sannadkii 2012.

Isagoo hadlayay ka hor go’aanka maxkamadda, Mahdi Maxamed Guuleed oo ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, wuxuu BBC u sheegay: “Waan aaminsannahay in xukunka uu yahay hannaan… Waa sababta aan u nimid maxkamadda”.

Maxakamaddan ICJ waxaa loogu talagalay in ay xalka ugu dambeeya ka gaaro khilaafaadka u dhexeeya dalalka.

Haddii Kenya ay diiday xukunka, waxaa arrinta loo gudbin doonaa Golaha Amniga ee Qaramada Midoobeey, sida ay sheegtay Wareiyaha BBC ee Hague, Anna Holligan.

Khilaafka wuu sii soconayaa – Falanqeynta Ferdinand Omondi

Ma jirin dal doonayay in xukunka uu sidan u dhaco, balse Soomaaliya ayaa faraxsan.

Waxay heshay inta badan dhulkii ay sheeganeysay, Kenya dhankeedana waxay ku hanjabtay in aysan waxyarna ka tagi doonin.

Madaxda Soomaalida ayaa shucuurtooda ku cabiray farriimaha ay baraha bulshada soo dhigayaan.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxay sheegtay in ay ku taagan tahay go’aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqbaleynin xukunka ICJ.

Su’aasha waxay tahay, maxaa xiga arrintan, yaase meel marinaya xukunka maxkamadda?

Kenya waxay muujisay in ay dagaal u gali karto sidii ay u difaaci lahayd “dhulkeeda” – Saldhig ciidamada badda ay ku leeyihiin nawaaxiga lagu muransan yahay ayaa dhowaan la sii hormariyay.

Soomaaliya ma lahan ciidamo bad oo awood badan leh, balse waxay leedahay dalal saaxiibbo la ah.

Balse dagaalka ma ahan arrinta ugu horeysa ee labadan dal laga filayo.

Waxaa dhici kara wadahadallo kale, ama khilaaf diblumaasiyadeeda. Ama labadaba.

line

Kenya waxay ku doodeysaa in aysan marka horeba ahayn in ICJ la soo dhexgeliyo arrintan “maadaama uu jiray is-afgarad”.

Balse bishii March ee sannadkan ayay si rasmi ah uga baxday kiiska maxkamadda, ka dib markii laga diiday in dib loogu dhigo dhageysiga maxkamadda.

Waxay sidoo kale cuskatay in garsooreyaasha maxkamadda uu ka mid yahay qof Soomaali ah, waxayna dalbatay in laga saaro.

Isbuucii la soo dhaafay waxay Kenya ku dooday in kiiska uu yahay “hannaan garsoor oo khaldan”. Waxay intaa ku dartay in “eex iyo cadaalad darro ay ku dhexjirto”, iyo in maxkamadda ay tahay meel aan u qalmin in khilaafka xal loogu helo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here