Kamaal Aba Sheekh oo ah aabaha dhalay Sakariye Kamaal Aba-sheekh ayaa markii ugu hoereysay ka hadlay arinta wiilkiisa oo hada gacanta ugu jira Ciidamada Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA.
Sirdoonka Soomaaliiya ee NISA ayaa dhawaan shaaciyay inay qabteen Sakariye  Kamal Aba Sheekh oo ay ku eedeeyeen inuu Alshabaab la shaqeeyo islamarkaana makab ganacsi uu ugu soo dhex qariyay agab Milatari si uu shabaab u gaarsiiyo balse ay dekada Muqdisho ku qabteen.
Inkasoo NISA sheegin siday u soo qabteen iyo halkeey ka soo qabteen ayuu Aabe Kamaal sheegay in wiilkiisa laga afduubtay Magaalada Mombasa isagoo inkirey inuu Soomaali yahay wuxuuna ku celceliyay in wiilkiisu kenyaan yahay.
Aabe Kamaal wuxuu intaas ku daray mar uu wareysi siiyay raadiyaha StarFM in wiilkiisa uu maqlay in NISA ay ku heyso Soomaaliya isagoona ka dalbaday cadaalad Dowlada Soomaaliya.
“wiilkeyga Alshabaab maaha waana  been agabka la sheegay in ganacsigiisa lagu qabtay uu yahay agab milatari,anigaaba ku iibsha Mombasa mana aha koontarabaan iyo waxa lagu sheegay waxaana ka mid ah tooshka “ayuu yiri Aabe Kamaal
Kamaal wuxuu intaas ku daray in wiilkiisa labadii bilod ee u danbeysayba uu maxkamad u saarnaa shaki ah inuu argagaxisada xirir la leeyahay islamarkaana dhawaan ay ku daayeen damiin Hal-milyan oo shilinka  Kenya ah,sidoo kale wuxuu sheegay inuu mar kasta tagi jirey Maxkamada .
“arbacadii la soo dhaafay ayaa laga af-duubtay wiilkeyga bartamaha Mombaa waxaana kaxeystay laba gaari balse maalmo kadib ayaan hada maqlayaa in Soomaaliya lagu hayo loona heysto inuu Alshabaab hub u keenay”ayuu yiri Aabe Kamaal
Dowlada Kenya ayuu sidoo kale ka dalbaday inay arintaan soo fara geliso madaama dacwadii argagaxasanimada ay cadeyn u waayeen sidaasna ay damiinta uga sii daayeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo Madaxweyne Xasan ku eedeeyay dagaal Beeleedka Gobolka Mudug.
Next articleMadaxweynaha Koonfur-galbeed oo gaaray Dhuusa-mareeb+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here