Barnaamijka cusub ee Dowlada Somalia ku soo rogtay Viisihii Somalia lagu soo geli jirey ee la magac baxay E-Visa kaasoo ah hab casri ah oo qaab Online ah lagu dalban karo, waxaa la sheegayaa inay dhaqaale badan Dowlada ka heli doonto sanadkii.
Tusaale Sannadkii 2023 Soomaaliya waxaa usoo safray 276,601 oo qof, kuwaasoo qaar kamid ah ay wateen Passport ajaanib ah.
Qiyaastii Sanadkii waxaa Dowlada soo geli doona lacag dhan 10 Milyan ilaa 20 Milyan marka uu si rasmi ah u dhaqan galo madaama hadaba uu si xowli ah ku bilowday.
Hadii sanad kadib ay dalka soo galaya soomaaliya ay tira ahaan la ekaadaan kuwii sanadkii 2023 oo hadana pasapoor ajaanib ay wada wataan tusaale 276,600.
276,600 x 64 USD = 17, 702, 400 USD Â (Qiyaastii 17 malyan) ayay noqoneysaa lacagta soo xaroota.
Xataa hadii layareeyo ugu yaraan waa 10 malyan lacaga Dowladu ka heli doono E-Visa.
Qiimeyntaan waxaa sameeyay AQOON-YAHAN ABDI-HALIM
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
