Ururka suxufiyiinta Falastiiniyiinta ayaa shaaciyay in Israa’iil beegsi joogto ah ku heyso saxaafadda si ay u aamusiso, warbixinta Syndicate ayaa sheegtay in ciidamada Israa’iil ay si nidaamsan u bartilmaameedsadeen saxafiyiinta si ay u qariyaan sheekada Falastiin gaar ahaan dhibaateynta reer Qaza.
Ololaha joogtada ah ee Israel ee dilalka ka dhanka ah saxafiyiinta Falastiiniyiinta tan iyo bishii Oktoobar 2023 ayaa gaaray meeshii ugu sareysay 2025 iyada oo la beegsanayo daraasiin xubno ka ah saxaafadda, Ururka Saxafiyiinta Falastiiniyiinta ayaa sidaas leh.
War qoraal ah oo la sii daayay Jimcihii shalay Guddiga Xoriyadda ee ururka ayaa sheegay in Israa’iil ay fulinayso siyaasad ah aamusinta saxaafadda iyada oo loo marayo dil, dhaawac iyo naafo joogto ah.
Dhammaadkii Noofambar 2025, ugu yaraan 76 saxafiyiin falastiiniyiin ah ayay Israa’iil dishay oo dhaawacday, tiradaas oo guddigu ku tilmaamay tusaale khatar ah oo muujinaysa siyaasadda sii kordhaysa ee bartilmaameedka ah ee ay raacaan mas’uuliyiinta Israa’iil.
Sanadkii la soo dhaafay, Israa’iil ayaa dhowr weriye ku dishay Gaza dilal qorsheysan – gaar ahaan Aljazeera’s Anas al-Sharif – iyagoo been abuur ku sheegay inay xubno ka yihiin Xamaas.
Kooxaha u dooda xoriyada saxafada ayaa canbaareeyay weerarada Israel ay ku heyso saxafiyiinta, balse dilka ayaa u socday si aan dambi lahayn. Israa’iil waligeed ma xirin, mana eedeynin mid ka mid ah ciidamadeeda dilka saxafiyiinta.
In kasta oo beegsiga saxafada uu sii xoogeystay dagaalkii xasuuqa ahaa ee Gaza, Israel ayaa dishay daraasiin saxafiyiin Carab ah labaatankii sano ee la soo dhaafay, oo uu ku jiro weriyihii ruug cadaaga ahaa ee Aljazeera Shireen Abu Akleh oo ku sugnaa Daanta Galbeed ee la haysto sanadkii 2022.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
