HomeCiyaarahaWarbixin ku saabsan Koobka Adduunka oo maanta ka bilaabanaya Dalka Mexico

Warbixin ku saabsan Koobka Adduunka oo maanta ka bilaabanaya Dalka Mexico

Koobka Adduunka ee FIFA 2026 ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu ka bilaaban doona  Dalka Mexico iyadoona ay isla marti gelin doonaan Dalalka Mareykanka,  Kanada iyo Mexico,waxaana sida qorshuhu yahay uu socon doonaa 11-ka June ilaa 19-ka Luulyo 2026 ,Ciyaarta furitaanka waxay dhex mari doontaa Mexicom iyo South Africa  insha Allaah.

Tartanka kubadda cagta ee sanadkan ayaa noqon doona kii ugu weynaa ee abid la qabto, iyadoo laga dhigay 48 xul qaran,Sanadkaan Koobka Adduunka wuxuu noqon doonaa kii ugu qaalisanaa dhanka lacagta lagu galayo garoomada marka loo eego intii hore loo soo qabtay.

Waa kuwee 48-kooxood ee soo baxay?
Markii ugu horreysay taariikhda tartanka, 48 kooxood ayaa ku tartami doona tartanka kubbadda cagta adduunka ugu weyn, marka loo eego qaabka 32-kooxood ee jira tan iyo France 1998, lafteeda ayaa ballaarin laga sameeyay 24 kooxood (1982-1994) iyo 16 ka hor.

Saddexda waddan ee martigelinaya: US, Mexico iyo Canada ayaa si toos ah ugu soo baxay, halka 45-ka kooxood ee soo hadhay ay ku heleen boosaskooda habraaca isreeb-reebka labada sano ah ee lixda xidhiidh ee qaaradaha ee FIFA.

Map-kaan sida ku cad waa magaalooyinka ay ka dhici doonaan ciyaaraha koobka Adduunka  oo si wada-jir ah ay u qeybsan doonaan dalala Mareykanka Canada iyo Mexico.

XAFIISKA WARARKA CIYAARAHA
DAYNIILE.COM
INTERACTIVE - venue world cup poster image-1780896044INTERACTIVE-Football FIFA Teams that have qualified for the World Cup 2026-1776671102

INTERACTIVE-Football FIFA How teams are group World Cup 2026-1776670778

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -