Kadib markii xalay maleeshiyaad hubeysan ay deegaanka Shilaabo ku laayeen ciidamo ka tirsan Liyuu Booliis kuwaasoo hoos taga ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa arintaasi si kuiul uga hadlay dhanka is maamulka Soomaalida Itoobiya.
Hogaanka Nabad-gelyada DDS Itoobiya ayaa shir jaraa’id uu maanta qabtay wuxuu ku eedeeyay Dowlada Soomaaliya inay iyagu soo hubeeyeen kooxaha soo weeraray deegaanka Shilaabo ee DDS Itoobiya isla markaana ay xuduuda ka soo tilaabeen.
Sida lagu cadeeyay baaritaan warbaahinta BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ay sameysay waxaa lagu ogaaday in weerarka Shilaabo lagu qaaday uu ahaa weerar aargoosi ah isa markaana markii hore halkaasi lagu dilay Aabe iyo wiil uu dhalay oo Soomaali ah.
Wararka waxay tilmaamayaan in maleeshiyaadka weerarka qaaday ay ka baxeen dhanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayna aar gudasho u baxeen.
Hoggaanka Nabadgalyada DDS ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka Galmudug ka baxay inay wateen hubkii Dowlada Soomaaliya u siisay inay Al-shabaab kula diriraan.
Hoggaanka Nabadgalyada DDS wuxuu ku hanjabay in ciidaamada Milatariga Itoobiya iyo kuwa Liyuu Booliis ay talaabo qaadi doonaan islamarkaana ay hada kadib ka hor tagi doonaan weerar kaga yimaada dhanka Soomaaliya.
Dhanka kale Abshir Cabdi Sheekhoow oo ah Wasiirka warfaafinta Galmudug ayaa beeniyay sheegashada masuuliyiinta DDS Itoobiya.
” waa been aan sal iyo raad lahayn in ciidamo ka socda dawlad goboleedkeena Galmudug oo rasmi ah in ay u talaabeen dhinaca Itoobiya” ayuu yiri Abshir Cabdi Sheekhoow
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM