HomeWarkii Warbixin ku saansan halka uu marayo wax ka badalka Dastuurka iyo kulan...

 Warbixin ku saansan halka uu marayo wax ka badalka Dastuurka iyo kulan maanta lagu wado inay xildhibaanadu yeeshaan

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu wadaa inay kulan ku yeeshaan Xildhibaanada Soomaaliyeed labadooda aqal kuwaasoo maalmihii ugu danbeeyay aad uga shaqeynayay wax ka badalka dastuurka iyo guud ahaan dhameystirka qabya tirka dastuurka.

Sida aan xogaha ku heleyno shirka maanta waxaa lagu wadaa in mudanayaashu ku soo bandhigaan cutubyada 10-aad  iyo 11-aad, iyo waliba ka doodista iyo dhameystirka cutubyada 5-aad ilaa iyo 9-aad ee dastuurka iyadoo la guda geli doono dhameysrirka labadii cutub ee ugu danbeeyay ee ka harsan dastuurka.

Sidoo kale Madaxweynaha Somalia oo hore u balan qaaday in mua xileedkiisa uu dhameystiri doono Dastuuraka Somalia ayaa lagu wadaa in dawaan uu soo bandhi doono dhamaan dib u eegista dasturka tan iyo 2012-kii  taasoo muujineysa in Madaxweynuhu hayo wadadii uu ku xaqiijin lahaa balan qaadkiisii xiligii musharaxa uu ahaa.

Si gaar ah kulanka maanta waxaa lagu wadaa in Baarlamaanka loo qeybiyo cutubka 10-aad oo qeeyxatya shaqaalaha rayidka ah ,kan 11-aad oo qeexaya nidaaka maaliyada guud iyo cutubka kan 12-aad oo isna qeexaya difaaca iyo amniga qaranka iyo 13-aad oo qeexaya qodobada guud.

Sidoo kale Kulanka maanta waxay Xildhibaanadu xooga saari doonaan dhameystirka iyo hirgelinta cutubyadaas.

XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -