Maanta oo kale afar sano ka hor ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay qaraxii weynaa ee gilgilay Isgoyska soobe 14-kii, October sanadkii 2017, ayna ku dhinteen boqolaal qof oo dad shacab ahaa.

Nin la socday gaari nooca xamuulka ee (TM-ka) loo yaqaano, lagana soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa isu qarxiyay Isgoyska soobe ee Magaalada Muqdisho, xilli laamaha ammaanka la sheegay inay gaarigaasi ku daba jooggeen.

Jugtii xooganeyd ee qaraxaasi ayaa laga maqlay gebi ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo bulshada Soomaaliyeed si weyn u xusuusan tahay wixii maalintaa dhacay.

Ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in qaraxaasi ku dhinteen dhawr boqol oo qof, dad kaloo fara-badana ay ku dhaawacmeen ayay dadweynaha reer Muqdisho bilaabeen inay buux-dhaafshaan goobaha caafimaadka, si ay dhiigoodu ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi, iyagoo markaasi ka jawaabaya baaqii ahaa in dhiig loo baahan yahay.

Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux, isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof, halka la waayey ,dad gaaraya 54- oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.

Qaraxaasi foosha xun ayaa waxaa marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka, ku burburiyey hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada Ganacsiga, gawaari iyo dhismayaal.

Qaraxan ayaa loo aqoonsaday inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, marka aad eegto boqolaalka qof ee mar qura ku dhintay hal qarax oo keliya.

Si kastaba afar sanno kahor sanadkii 2017 qaraxii xooganaa ee ka dhacay Isgoyska Soobe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qaraxaas khasaaraha badan dhaliyey lagu tilmaamay inuu ahaa mid mideeyay shacabka Soomaaliyeed, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here