October-2017 Farmaajo waxa uu u safray Itoobiya, magaalada AdisAbaba waxa uu kula kulmay ra’isalwasaarihii xilligaas ee Itoobiya Haile Mariam Desaglen, waxa uu weydiistay taageero ciidan oo dheeri ah taas oo barbar socota howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya,  hayeeshee Desaglen waxa uu sheegay Farmaajo in aysan marna suuragal ahayn hirgelinta taageero ciidan oo ka madaxbannaan AMISOM, isaga oo ku sababeeyey in dowladaha taageera AMISOM aysan diyaar u ahayn in ay taageeraan howlgal kale, taasina ay tahay sababta uu u jiro uan joogo Soomaaliya ciidan Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn AMISOM kaas oo tiro ahaan kudhow 3 kun oo Askeri.

Madaxweyne Farmaajo dib ayuu ugu soo noqday Muqdisho, isaga oo gacmo maran kala soo noqday socdaalkiisii Itoobiya, sida ay saraakiil katirsan xafiiska

Haile Mariam Desaglen u sheegeen Wargeyska the Observer oo ka soo baxa Itoobiya, madaxweyne Farmaajo waxa uu filayey in Itoobiya u gudi doonto abaalkii uu u galay Aug-2017 kaas oo ahaa in uu u gacangeliyey Qalbdhigax hayeeshee Desaglen xitaa ugama mahadcelin madaxweyne Farmaajo go’aankii uu Itoobiya ugu  dhiibay sargaal sare oo katirsan ONLF.

Sanadkii 2017 waxa uu dhammaaday iyada oo xukuumaddu ku dhacday 3 fadeexad oo ay ka baaqsan kartay, waa dhiibistii Cabdikariin Qalbidhagax,   weeraradii ay ku qaadday guryaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Senator Cabdi Qaybdiid iyo go’aankii ay ururka ONLF ugu aqoonsatay in uu yahay Urur argagixiso, sidaas oo kale Muqdisho waxa kadhacay weerarkii dhiiggu ku daatay ee isgoyska Soobe! Sababta iyo cidda kadambeysay weerarkaas illaa hadda lama xusin balse diblomaasiyiin Soomaali iyo shisheeyeba leh waxa ay ku sheegeen in uu kamid ahaa dagaallada xawaaladda oo ah dagaal u dhexeeya laba dowladood hayeeshee kadhaca dal saddexaad.

Dhacdooyinkaasi waxa ay  dalka iyo dadkaba uga tageen Kalsooni xumo  iyo Niyad-jab laga qaaday dhaqanka madaxweyne Farmaajo.

4 bil kaddib safarkii Farmaajo ee AdisAbaba, Itoobiya waxa ka dhacay isbeddel weyn, April 2018 Abi Axmed Cali ayaa noqday Ra’isawasaaraha Itoobiya, isbeddelkaas aad ayuu Farmaajo u soo dhoweeyey uguna farxay,  qoraal uu ku daabacay bartiisa Twitter ayuu ku sheegay in uu u xaqiijiyey Abiy Axmed sida ay uga go’an tahay in labada dal iska kaashadaan Nabadgelyada iyo Maalgashiga.

Villa Somalia waxa ay b xiriir iyo Wadashaqeyn la yeelatay Ra’isalwasaare Abiy Axmed, Wasaaradda Arrimaha dibaddu wax weyn kalama socon xiriirkaas iyo waxa ku dhex jira hayeeshee waxa ay ogaatay xilli uu gaaray booqasho uu Xamar ku imaanayo Abiy Axmed.

6- June-2018; magaalada Baydhabo xarunta kmg ah ee DG KGS waxa ka dhacay shirkii golaha Wadatashiga Qaranka, shirkaas waxaa ka qaybgalay madaxweyne Farmaajo, Ra’iisulwasaarihii golaha shacabku kala noqday kalsoonida Xasan Cali Khayre iyo madaxweyneyaasha DG, Galmudug, Puntland, Hirshabeelle, Jubbaland, KGS iyo guddoomiyihii xilligisaa ee gobolka Banaadir Eng Yariisow, marka laga reebo, golaha Amniga Qaranku waxa uu xilligaas si adag uga dooday Doorashooyinka iyo Nabadgelyada dalka hayeeshee habkii ay u doodeen madaxda dowlad-goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, KGS iyo Jubbaland iyo aragtidoodii ku wajahnayd doorashooyinka 2020 iyo sida loo qaabeynayo Amnigu waxa ay filan waa ku noqotay madaxweyne Farmaajo iyo ra’isalwasaarihiisii Xasan Cali Khayre, sababtu waxa ay ahayd madaxda dowlad-goboleedyada oo lahaa isafaham iyo wada-shaqeyn iyo madaxweynaha iyo Ra’isalwasaarihiisa oo ku cusbaa hoggaaminta dalka sidaas oo kalana aad ugu liitay Wada-xaajoodyada, gaarista go’aanada islamarkaana aan dulqaad iyo adkeysi u lahayn doodaha ka soo horjeeda.

Farmaajo iyo Khayre markii ay ka soo noqdeen shirkaas waxa ay go’aansadeen in qiime walba oo ay ugu kacdo in ay isbeddel ku sameeyaan qaab-dhismeedka iyo madaxda dowlad-goboleedyada,  oo laga bilaabo shirkaas madaxweyne Farmajao dowlad-goboleedyada iyo hannaanka Federaalka waxa uu u arkayey in aysan la jaanqaadi karin habka uu rabo in uu dalka u xukumo.

10 maalin kaddib kulankii golaha Amniga Qaranka ee Baydhaba, Famaajo waxa uu casuumaad u fidiyey ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya, isaga oo Xasan Cali Khayre  u diray AdisAbaba si uu Abiy ugu casuumo Muqdisho.

16-June-2018; Abiy Axmed Cali oo ka jawaabaya casuumaaddaas  ayaa booqasho ku yimid Muqdisho, Booqashada Abiy ee Muqdisho waxa ay timid  maalin kadib markii Abiy uu Addis Ababa ku qaabilay Maxamed Bin Saayid dhaxal-sugaha Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo ay ku wada saxiixdeen heshiis dhinaca Iskaashiga iyo ganacsiga quseeya, ogow xilligaas Imaaraatka iyo Soomaaliya waxaa ka dhex aloosan muran dublamaasiyadeed oo ka billoowday heshiiskii shirkadda DP World ay la saxiixatay maamulka Somaliland. Heshiiskaas waxaa qeyb ka ahaa in Itoobiya lafteedu 19% ku yeelato maalgelinta dekada Berbera.

Shirjaa’id oo ay Abi iyo Farmaajo si wadajir ah ugu qabteen Villa Somalia waxa ay ku sheegeen in labada dal uu dhex maray iskaashi dhinacyo badan, kaas oo uu xitaa qeyb ka yahay is dhexgalka labada bulsho, Waxa ay si wada jir ah ugu dhawaaqeen guddi heer wasiir ah oo si dhaqso ah u hawlgalaya, isku dhaf ah, kaas oo ka shaqaynaya fulinta heshiis ay u gaareen si degdeg ah.

Qodobka 7aad ee heshiiska ayaa ahaa kan ugu culus, waxa uu ka hadlayay in labada dal ay ku heshiiyeen in ay wada maalgashadaan illaa 4 dekedood oo Soomaaliya leesahay, iyo dhismaha waddooyin laami ah oo isku xira labada dal.

Qorshaha qabashada Bu’aale!

Madaxweyne Farmaajo ayaa 5 maalin kaddib booqahsadii Abiy ee Muqdisho waxa uu 21-June-2018 u safray AdisAbaba,  kulankaas waxa uu Farmaajo ku soo bandhigay codsigeesii hore ee ahaa in lagu caawiyo taageero ciidan oo barbar socota Howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya, dood dheer kaddib Abiy waxa uu ogolaaday in uu ku taageero Farmaajo codsiga ku saabsan taageerada ciidan hayeeshee waxa uu dalbaday in ay Arrinka la kaashadaan keligi-taliye Isias Afawerki, sidaas awgeed  laba kulan oo ay ka wadaqaybgaleen MW Farmajao, Isaias Afwerki & Abiy Axmed ayaa dhacay, midkood waxa lagu qabtay Asmara September-2018, midka kalana waxa uu ka dhacay magaalada Baxardar ee goblka Amxaarada ee dalka Itoobiya November-2018, xafiiska RW Abiy Axmed oo faahfaahin kooban ka bixiyey kulanka dambe ayaa sheegay in looga hadlay 3 arrimood oo waayeyn kuwaas oo uu ku sheegay in ay muhiim u yihiin hal-abuurka isdhexgalka & Nabadgelyada gobolka.

Farmaajo waxa uu si wadajir u weydiisaty Abiy iyo Afawerki in ay ku taageeraan sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa dowlad-goboleedka Jubbaland si taasi u dhacdana waxa uu sheegay in uu u baahan yahay in guud ahaanba Meesha laga saaro saameynta siyaasadeed ee Kenya ku leedahay Jubbaland.

Qorshaha Farmaajo waxa u uku dhisnaa in  Itoobiya iyo Eretria ay ku deeqaan ciidan aan katirsanayn AMISOM kaddibna ciidankaas oo kaashanaya laba cutub oo kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya ay qabsadaan magaalada Bu’aale oo ah caasimadda rasmiga ah ee DG Jubbaland! Si  ay u hirgasho Jubbaland uu Axmed Madoobe ka maqan yahay oo ka kooban Jubbada dhexe iyo Gedo!,

Koox katirsan Villa Somalia oo Farmaajo ku caawineysay kalaqaybinta Jubbaland waxa ay ku doodeen in islamarka Bu’aale gasho gacanta madaxtooyada Soomaaliya la baahiyo War kusaabsan in dastuur ahaan  aysan jiri Karin Jubbaland hal gobol ah! Oo loola jeedo Jubbada hoose, taas oo macnaheedu yahay in Jubbada hoose gasho kaalinta gobolka Gedo uu hadda uga jiro Jubbaland.

Abiy & Afawerki waxa ay ku yabooheen awood farsamo iyo mid ciidan oo madaxweyne Farmaajo ku qabsado Bu’aale, waxa ayna ku billaabeen in ciidan Itoobiyaan ah oo aan ka tirsanayn AMISOM la geeyo Kismaayo balse taasi ficil ahaan waa socon weysay, waxa ayna gaartay in uu xumaado xiriirka Itoobiya iyo Kenya kaddib murankoodu ku saabsanaa waxa ay Kenya u taqaan Kenyan-Somali buffer zone! oo Itoobiya u xusul duubeysay in ay wax ku yeelato.

iyada oo aan wax weyni ka hirgelin qorshahaas ayuu dhacay weerarkii Manda-Bay January-2020, Alshabaab ayaa weerar ku qaaday saldhigga Millateriga Mareykanka ee  Manda Bay oo ah Jasiirad kutaal dhul gaar loo leeyahay oo aad u deggan kanatirsan Lamu,  Mas’uuliyadda weerarka waxa sheegtay dhaqdhaqaaqa Alshaab, sida ay daabacday New York times waxa uu sababay dhimashada 3 sargaal oo katirsan waaxda difaaca Mareykanka , laba qandaraas qaate oo la shaqeeya Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka  iyo burburka gaadiid kaladuwan oo uu lahaa saldhiggu,

Safaaradaha Mareykana ee Muqdisho iyo Nairobi waxa ay si rasmi ah u ogaadeen in Abiy Axmed iyo Isiyas Afawerki ay ka shaqeynayaan weerar lagu qaado gobolka Jubbda dhexe, si madaxweyne Farmaajo u qabsado Bu’aale kaddibna uga dhiso Jubbaland ka kooban Jubbada dhexe iyo Gedo, sida ay faafisay Washington Post khilaafkii ka dhex aloosnaa xilligaas madaxweyne Farmaajo iyo Jubbaland waxa uu kamid ahaa sababaha fududeeyey weerarkii saldhigga Manda Bay.

Safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa qaadatay galka howsha kala daadinta qorshaha Abiy iyo Afawerki ee ku wajahan dib u qaabeynta Jubbaland, Abiy waxa gaartay farriin adag oo ah in Itoobiya lumin doonto lacag ku dhow 130 Milyan oo Mareykanku sanad walba ku kabo Miisaaniyadda Itoobiya, Afawerkina wax weyn looma arag waxaase la sii ogaa in uu raadinayo marti- gelinta saldhig Melateri oo Mareykanku leeyahay hayeeshee waxa meesha tiil in madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle uu mar hore ku guuleystay martigelinta & ka faa’iideysiga saldhiggaas, sidaas daraadeed Washintown waxa ay u tiqiin Afawerki in uu yahay Waardiyaha Xabsi ay kujiraan Maxaabiis aan la muddeyn xilliga uu xabsigoodu dhammaanayo.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa iyaduna qaadatay howsha ah in Villa Soomaaliya qaaddo cadaadiska iyo cunaqabateynta saaran Axmed Madoobe, sidaas awgeed waxa ay safaaraddu weydiisatay Villa Somalia in ay u aqoonsato  Axmed Madoobe madaxweynaha DG Jubbaland, June-2020, isla bishaas Villa Somalia 14-June-2020 waxa uu soosaartay aqoonsiga madaxweynenimada Jubbland ee Axmed Maxamed Islaan,

Isku beddelashada Kiiska Badda & gacan ku haynta Jubbaland.

Kaddib Fashilkii ku dhacay qorshihii Farmaajo ee qabsashada Bu’aale Shirkadda Shidaalka iyo Gaaska ee Qatar Petroliem ayaa ka iibsatay Shirkadaha ENI & Total July 23, 2019, 25% Saddex Block oo kamid ah dhulka dhul-badeedka Soomaaliya ee Kenya muranka gelisay, ujeedadu waxa ay ahayd in dhab ahaan Qatar ka faa’iideysato galaangalkeeda siyaasadeed iyo xiriirka kala dhexeeyey madaxweyne Farmaajo iyada oo ku xisaabtameysay in kiiska dacwadda badda ee labada dal lagu xallin doono meel kabaxsan maxkamadda ICJ

March-2019 Abiy & Farmaajo waxa ay u wada safreen Nairobi iyaga oo ka duulay AdisAbaba, Farmaajo oo maalintaas ay xilli-madaxeedkiisa ay kahartay muddo ka yar hal sano ayay u muuqatay in DG Jubbaland oo aan gelin gacantiisa ay ka dhigan tahay guul-darradiisa soosocota, waxa uu weydiistay Abiy in uu dhexdhexaadiyo Isaga iyo Uhuru, Madaxtooyada Soomaaliya oo ka hadashay safarkaas waxa ay sheegtay in safarka madaxweynuhu kusaabsan yahay hagaajinta iyo dib u soo celinta xiriirka labada dal hayeeshee sida dhabta ah Farmaajo waxa uu tegey Nairobi isaga oo u diyaarsan in uu gorgortan ka galo islamarkaana wadahadal ka furo kiiska Badda Soomaaliya oo yaal maxkamadda ICJ, waxa suuragal ah in aad is weydiiso waxa Farmaajo ku beddelanayey Wadahadalkii iyo gorgortankii uu ka furay Kiiska Badda Soomaaliya, si fudud waxa uu ku beddelanayey in ciidanka Amisom ee Sector 2 oo ka socda Kenya ay Jubbaland u gacan geliyaan Villa Somalia oo xilligaas u hammuun qabtay in ay sanduleyso dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, haddaba sidee u aamini kartaa Farmaajo oo si uu Itoobiya u qanciyo u dhiibay muwaadin Soomaaliyeed, Kenyana si ay ugu qabato Kismaayo u ogolaaday in kiiska dacwadda badda ee labada dal lagu xallin doono meel kabaxsan maxkamadda ICJ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here