AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Ciidamo ka tirsan Booliiska Dowlada Somalia ee ka howlgala Degmada Af-hooye ayaa maanta weerar waxay ku qaadeen guri uu ku sugnaa dagaalame Alshabaab ka tirsan waxaana dhex maray is rasaaseyn.

Ninka Alshabaab-ka ah ayaa bilowgiiba markii rasaastu is qabsatay wuxuu dilay askari ka tirsanaa Booliiskii howlgalka ku jirey kadibna dagaalka ayaa halkii ka sii socday ilaa la dhaawacay dagaalamihii Alshabaabka ahaa.

Advertisement

Sida ay cadeeyeen saraakiishii hogaamineysay howlgalka waxaa gacanta lagu dhigay Alshabaabkii oo dhaawac qaba kadibna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Saraakisha booliisku waxay intaasi ku dareen inay Muqdisho u gudbinayaan ninka Alshabaabka ah si daweyn kadib maxkamada Ciidamada loo saaro.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleCiidamada Kenya iyo Alshabaab oo ku dagaalamay deegaan hoos-yimaada Mandheera.
Next articleMadaxweynaha oo u dhoofay Adis-ababa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here