XIGASHO LAACIB.NET
Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay ceyrin doonto Xabi Alonso haddii kooxdu mar kale si xun looga adkaado kulanka El Clásico ee Axadda, sida uu sheegay wargeyska El Darmasque.
Real Madrid ayaa si adag uga soo horjeedda inay markale aragto Barcelona oo si dhib yar kagaga badineysa garoonkooda, kadib wixii ka dhacay El Clásico-dii ugu dambeeyey ee ka dhacay Santiago Bernabéu, markaas oo ay 4-0 ku xaaqday Barça.
Guuldarradaas ayaa kaalin ku lahayd bixitaankii Carlo Ancelotti dhammaadkii xilli-ciyaareedkii hore, waxaana beddelay Xabi Alonso.
Si kastaba ha ahaatee, in Alonso shaqada laga eryo goor hore ayaa noqon lahayd arrin layaab leh, maadaama kooxda uu si wanaagsan u hoggaaminayay tan iyo bilowgii xilli-ciyaareedka.
Kooxda Alonso ayaa haatan heysa hogaanka La Liga, laba dhibcood ayay ka horreeyaan Barcelona oo kaalinta labaad ku jirta.
XIGASHO LAACIB.NET
