Shirkii ugu horeeyey ayey ku yeelanayaan dalka Turkiga Xubnaha ku bahoobay kutlada Nabad iyo Nolol ee Shantii sano lasoo dhaafay xukumayey Soomaaliya,waxaana shir gudoon kulankaasi ka ah Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

30-kii bishii September oo jimcihii ku beegneyd ayuu Farmaajo afar bil kadib ka dhoofay Muqdisho tan iyo xukunka markii uu wareejiyey,waxaana socdaalkiisa Turkiga uu daaran yahay isku imaatinka shirka Nabad iyo nolol oo arimo dhowr ah lagu faaqidayo.

Ajandaha ugu weyn ee shirka ayaa ah sida ay inoo sheegeen dad lagu kalsoon yahay sidii loo sixi lahaa khaladaadkii dhacay doorashadii 15-kii May Ee Xasan Sheekh Maxamuud kusoo baxay guuldarada siyaasadeedna biday Farmaajo iyo saaxiibadiisa.

Agaasimihii hore ee Hay’ada NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo saldhig u aheyd Turkiga shantii bil lasoo dhaafay ayaa waxa uu isagu yahay qaban qaabiyaha shirweynahaan oo ay ka qeyb galayaan saraakiil ciidan,siyaasiyiin,xildhibaano,Wasiiro iyo qurba joog ku bahoobay falsafadii ay ku dhisneyd Nabad iyo Nolol.

Xildhibaano ka baxay Muqdisho ayaa ku biiraya Shirkaasi waxaana dadka laga xusi karo ka mid ah Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo soo noqday Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya Xukuumadii Labada Ra’iisul wasaare isku badaleen ee Kheyre iyo Rooble.

Shirka Turkiga ay ku leeyihiin nabad iyo nolol ayaa doorka ugu weyn khalad sixidooda kasokoow waxa xoog iyo xeelad intuba iskugu geyn doonaan helitaanka dhiig cusub oo salaan kaga dhigan karaan dib ugu soo laabashada xukunka Soomaaliya doorashada 2026-ka loo ballansan yahay.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa waxay inoo sheegeen in shirka Turkiga lagu soo hadal qaadi doono sidii ay door ugu yeelan lahaayeen inuusan soo laabanin Siciid Cabdullaahi Deni Doorashada 2024-ka Puntland ka dhaceysa si taas badelkeedana ay shakhsi iyaga ay wataan laga dhigo Madaxweynaha Cusub Ee Puntland.

Sida ay xogta sheegeyso aan helnay Axmed Ciise Cawad ayaa lagu dedaalayaa in Nabad iyo Nolol isagoo metalaya uu noqdo Madaxweynaha Cusub ee Puntland,waxaana qorshahaasi ka shaqeenaya Fahad Yaasiin oo ay Cawad saaxiibo ahaayeen in muddo ah.

Lagama hordhici karo go’aanada kasoo bixi doono shirka Nabad iyo nolol ay ku yeelanayaan Turkiga dhawaan oo qodobo dhowr ah miiska saaran yihiin oo ay ka mid tahay sida loo wajihi karo Dawladda Soomaaliya ee hadda raafka ku sameysay xubnihii iyaga katirsanaa oo hay’adaha Dawladda badankood laga wada saaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here