HomeWarkiiWarbixin: Shirka xalene iyo waxa looga hadlay

Warbixin: Shirka xalene iyo waxa looga hadlay

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirka goor Mucaaradka iyo Dowlada uga socda Xeyndaabka Xalane gaar ahaan xarunta Ciidamada Sordonka Somalia ee NISA ayaa warar horu dhac ah ka soo baxayaan sida laga helayo dhanka mucaaradka.
Warar ku dhaw dhaw mucaaradka ayaa sheegaya in shirka bilowgiisaba mucaaradku Madaxweyne Xasan shuruudo hor dhigeen sida inuu sii daayo dadka siyaasada u xirxiran iyo shuruuda labaad oo ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu oggolaado in wixii ka dambeeya 15-ka May uu yahay madaxweyne hore, isla markaana uu shacabka u caddeeyo in muddo-xileedkiisu dhammaaday.
Inkastoo warbaahinta mucaaradku durba sheegteen in shuruudii koowaad uu fuliyay Madaxweyne Xasan isamarkaana uu xasbiga ka sii daayay qaar ka mid ah dadkii xabsiyada ku jirey .
Dhanka kale warar madax banaan ayaa sheegaya in shirka uu goor dhaw soo dhamaaday islamarkaana dhinacyadu isla garteen in beri la isku soo laabto barqadii laakiin ay kulamada sii wadi doonaan gudiyo labada dhinac ay soo kala dirsan doonaan hadii Rabi idmo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -