Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ) ayaa galabta soo gababeysay dacwaddii badda ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Kenya. Dacwadda waxay soo socotay tan iyo 2014.

Xukunka ay gaartay Maxkamadda galabta ayaa ka koobnaa qodobadan:

1- Maxkamaddu waxay diiday in wax heshiis hore oo Kenya iyo Soomaaliya ka gaareen soohdinta badda, sida ay Kenya ku doodday.

2- Maxkamadda waxay diidday in Heshiiska Is-agardka ee 2009 in uu ahaa heshiis ku saabsan calaamadeynta soohdinta badda labada dal.

3- Kulankii Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo Kenya ee 1979 iyo 1981 ayaan wax heshiis kama gaarin soohdin badda ee labada dal.

4- Doodda Kenya ay keentay oo ahayd in dhibaato amni darro ay dhacayso haddii aan xagasha loo weecin dhanka Soomaaliya ayey Maxkamaddu diiday.

4- Maxkamaddu waxay sidoo kale diiday aragtida Kenya ee ahayd in nolosha dad badan oo Kenyan ah oo quud ahaan badda ku nool ay halis galeyso haddii aan dhankeeda loo xukumin.

5- Maxkamaddu waxay diidday sheegashada Kenya ee ah in Ingiriiska iyo Talyaaniga gumeysga ku joogay Soomaaliya 1924 ay Kenya u aqoonsanayeen dhulka hadda loo yaqaano JUBBALANAD. Soomaaliya ayaa u taqaana xukunkii Ingiriiska iyo Talyaaniga ee berigaas mid gumeysi ahaa.

6- Hase yeeshee waxay Maxkamaddu aqbashay hal arrin oo  ay Kenya ku doodday oo ahayd iyadoo la xeerinayo duruufaha gaarka ah ee qolfoof badeedka (Continental Shelf) wax yar la weeciyo xagasha.

Xukunka Maxkamadda wuxuu 96% guusha siiyay Soomaaliya, iyadoo wax xoogaa yar la dadbi doono xariiqda soohdinta (adjusted line).  Hase yeeshee waxaa Iyana jirta dhowr arrimood oo kale:

1- Kenya waxay ka bexeysaa dhammaan dhul badeedkii ay horey ugu jirtay oo hadda Soomaaliya loo xukumay.

2- Kenya waxay Soomaaliya ku soo wareejineysaa dhammaan xogta (data) iyo macluumaadka sahaminta shidaalka iyo gaaska ee ay ka sameysay dhul badeedka Soomaaliya loo xukumay.

3- Soomaaliya way iska cafineysaa dhammaan xadgudubyadii ay horey u sameysay Kenya, oo wax magdhow ah uma raadsan doonto muddaddii ay Kenya sida sharci darrada ugu jirtay dhul badeedka hadda loo xukumay Soomaaliya.

4- Waxaase Soomaaliya u furan inay magdhow u doonato shirkadihii baaritaanka ka waday dhul badeedkan. Shirkadahaasi waxaa ka mid ah shirkadda ENI oo diidday inay ka baxdo dhul badeedka xitaa iyadoo og inay dacwad ka dhex socotay labada dal.

W/Q: Abdalle Ahmed Mumin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here