Wargeyska The Times ee ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa warbixin uu qoray waxa uu kaga hadlay qaabka ururka Al-shabaab uu dhaqaalaha uga helo ganacsatada kala duwan ee Soomaaliya. Warbixintan oo qaybaheeda ugu muhiimsan afsoomaali loo rogay waxa ay u dhignayd sidan; Ganacsatada reer Muqdisho waqti kasta waa ay fishaan in uu ku soo dhaco talefankani.

Mararka qaarkood codadka soo hadlayaa waa ay kala duwan yihiin, laakiin farriintu waa isku mid. “Waxa aad illowday walaalahaagii Muslimiinta ahaa” ayaa lagu odhanayaa cod ay cabsi gelin ka muuqato. “Qaadhaankii illaa hadda lagaama hayo” Dukaanleyda, baayacmushtarka kale, hudheelladayaasha, ganacsatada badankoodu waa ay ku laylyameen arrintan.

Sida uu sheegayo ganacsade codsaday in magaciisa la qariyaa, lacagta la rabaa waa $50.

Dukaamada yaryar, $100 dadka hudheellada leh iyo baayacmushtarka laga rabo iyo $200 oo jumladlayaasha ah. Sarkaal ka tirsan haayadda sirdoonka iyo amniga Qaranka ee Soomaaliya oo magaceeda loo soo gaabiyo NISA ayaa warfidiyeenka warbixinta diyaariyey u sheegay in shirkadaha ugu waaweyn Soomaaliya, ay bixiyaan illaa 200 oo kun oo doolar bil kasta, waayo haddii ay diidaan waxa xigaa waa dil. Bambo iyo weerar is-miidaamin ah lala beegsado ama xabbad lagu dilo.

Afar sano ka hor ayaa Al-Shabaab laga saaray Muqdisho, laakiin haddana weli sida ay doonaan ayaa ay weerar uga fulin karaan magaalada gudaheeda, taas oo u saamaxday in ay lacag ka urursadaan sanka dawladda, ciidamada AMISM iyo Hawlgalka Qaramada Midoobey ee loo diray in ay dalka ka caawiyaan in uu dib cagihiisa isugu taago, hoostiisa. “Muqdisho oo keliya ma’aha ee waa Soomaaliya oo dhan” Sidaa waxaa wargeyska The Time u sheegay Cabdirashiid Maxamed Xiddig, oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee dawladda Federaalka Soomaaliya. Isaga oo intaas ku sii daray, “Bisha dabayaaqadeeda, inta ay talefan u soo diraan ayaa ay ku yidhaahdaan, noo soo dir lacagtii. Haddii aanay dirinna waa ay soo weerarayaan. Bal malee, inta hudheel iyo inta meheradood ee jira. Waa lacag aad u badan” Al-Shabaab weli lacago Sako ah ayaa ay ka qaaddaa deegaannada ay maamuusho, in kasta oo ab badani gaadhay intii ka dambaysay sannadkii 2011ka markii laga saaray Muqdisho, dhulkii ay ka talinaysayna soo ururay.

Dabayaaqadii sannadkii 2012ka waxaa laga qabsaday magaalada marsada leh ee Kismaayo, bishii Oktoobar 2014kana waxaa lagala wareegay gacan ku haynta dekedda yare e magaalada Baraawe, laakiin dhaqaalaha ay Al-Shabaab ku weyday dhulkaas lagala wareegay, sidii ay masuuliyiinta reer galbeedku u filayeen waxba ugama ay dhimin weerarradii ay Al-Shabaab qaadaysay. “Ammaankii Muqdisho waabu sii xumaanayaa” sidaa waxaa yidhi Xiddig, oo intaas ku sii daray, “Alshabaab waxa ay ka mid noqotay ilaalada hudheellada iyo shaqaalaha wasaaradaha, waxa ay ka mid noqdeen xoogaggii ammaanka iyo darawalladii. Meel kasta oo aad eegto, cid ayaa ay ku beerteen” ugu yaraan saddex hudheel oo waaweyn oo Muqdisho ku yaalla ayaa sannadkan la weeraray.

Dad lagu qiyaasay 25 ruux oo ay ku jiraan laba xildhibaan iyo ku xigeenkii duqa magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay markii rag hubaysani ay bishii Feebarweri ee sannadkan xoog ku galeen hudheelka Central. Gelitaanka ka hor waxaa dhacay laba qarax oo mataano ah oo ay fuliyeen laba ruux oo ahaa Soomaali haysata jinsiyadda dalka Holland. Mid ka mid ah oo gabadh ahayd, ayaa ka shaqaynaysay qaybta qaabilaadda ee hudheelkan laftigiisa.

Qaar ganacsatada ka mid ah ayaa ku doodaya in talefankan ay Al-Shabaab soo diraysaa astaan u yahay in ay hoos u dhacday, “Iyaga ayaa caasimadda haysan jiray, kadib maalin kasta weerar ayaa ay fulin jireen, laakiin imika talefanka ayaa ay ka soo hadlayaan” ayaa uu yidhi Diini Cabdi, isaga oo intaas ku sii daray, “Dhaqsana waa ay iskaga baaba’ayaan”

Kalsoonidaas ah in ay Alshabaab hoos u dhacday waa ay jirtay sannadkii 2012ka, markii la arkayey dukaanleydii oo dib u haybayn ku wada meheradahooda hortooda, taas oo calaamad u ahayd in dagaalkii dhammanayo. Si kastaba ha ahaato ee sannadkii ka dambeeyey ee 2013ka, Alshabaab waxa ay weerartay xarunta ugu weyn ee Qaramada Midoobey ay ku leedahay Muqdisho, waxa aanay k udishay 15 qof, intii badbaaddayna waxa ay ku qasbanaatay in ay dib ugu gurato saldhig milateri oo ku yaalla gegida diyaaradaha.

Masuuliyiinta dawladda iyo diblumaasiyiinta reer galbeedku gebi ahaanba waa ay ka dahaadhan yihiin caasimadda iyo dadka ay doonayaan in ay caawiyaan. Waxaa ku xeeran gidaarro ay ku rakiban adag oo qaraxa iska caabinaya iyo taar afka sakiinta oo kale leh. Kuwa awoodaa waxa ay kiraystaan cutubyo ilaalada ammaanka ah. Ciidamada AMISOM xeryahooda sida adag loo ilaaliyo marka ay isaga dab-qaadayaan waxa ay jidadka ku maraan kolonyo gaadiid gaashaaman ah. Laakiin taas lidkiide xubnaha Al-Shabaab dadka ayaa ay ku dhex nool yihiin, “Waa xog-ogaal, sirdoon fiican ayaa ay leeyihiin” sidaa waxaa yidhi nin ganacsade ah, oo qirtay in uu bixiyo lacagta talefanka lagaga soo dalbado. Isaga oo sharraxaya qaabka lacagaha ay Al-Shabaab u qaaddana waxa uu yidhi, “Bil kasta dadka lama soo hadlaan, laakiin waa ay soo hadlaan” Lacagtana waxa uu ugu diraa talefanka gacanta. “Haddii aad dukaan furato, dusha ayaa ay kala socdaan. Isla marka aad furtaba lacagta ku soo weydiin maayaan, laakiin marka ay arkaan in uu si fiican u shaqaynayo oo uu socdo ayaa ay talefan kuu soo dirayaan” ayaa uu yidhi, isaga oo hadalkiisa ku soo gabagabeeyey, “Cidina kama baxsan karto”

W/Q: Wargeyska The times

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here